Che -Guevara

Farmajo suspends over misuse of public lands and accuses him of corruption

Recommended Posts

SHAQO KA JOOJIN WASIIRKA KOOWAAD KEDDIB MARKUU SOO GALAY TUHUN MUSUQMAASUQ IYO KU TAKRIFAL DHUL DAN GUUD

Muqdisho, Diseembar 27, 2021:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay qodobka 87aad ee Dastuurka KGM ah ee dalka kaas oo tilmaamaya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Markuu tixraacay wareegtadii uu soo saaray 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud si waafaqsan qodobka 43aad ee Dastuurka KMG ee dalka;

Markuu arkay xeerkii uu ku mamnuucay ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada ee soo baxay 27kii Oktoobar 2021;

Markuu ogaaday in Ra’iisul Wasaaraha uu soo galay raad tuhun oo muujinaya inuu ku takrifalay dhul dan guud ah oo leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;

Markuu arkay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;

Markuu garwaaqsaday in Ra’iisul Wasaaraha uu saaray cadaadis Wasiirka Gaashaandhigga si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu 26-kii Diseembar 2021, Wasiir cusub usoo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan la dhamaystirin baaristii socotay taasoo looga gol leeyahay faragelinta baarista socota ee la xiriirta musuqmaasuqa dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;

1. Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;

2. Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;

3. Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.

DHAMMAAD

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   
49 minutes ago, Che -Guevara said:

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu 26-kii Diseembar 2021, Wasiir cusub usoo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan la dhamaystirin baaristii socotay taasoo looga gol leeyahay faragelinta baarista socota ee la xiriirta musuqmaasuqa dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

This is very important. Why appoint a new minister to the defence ministery? This is nothing but pure obstruction  of justice. It is like firing the presecutor who is trying your case. 

Waxna waa siyaasad waxna waa jiritaanka dawladnimada.

This year president Farmaajo had issues a presidential decree to prohibt any selling of public lands. Even Rooble supported and appointed some public servants to implement this directive. Also, this is the procedure of of the rules of those in the cabinet including the premier. If you are under investigation, you must step aside until your name is cleared.

Rooble muxuu ka cabsoonayaa. Haddii uusan tuug ahayn , muxuu sharciga uga cabsanayaa. Waar kan oo kale inama soo marin.

If he is innocent, why fear the ivestigation of the military. 

Tuug dhuuntaanu arki jirnee mid toosh wataa yimid.

Share this post

Link to post
Share on other sites
25 minutes ago, galbeedi said:

Farmaajo Waa mAskiin,  he got where he wanted this thief/m0ryaan,  caught red handed,

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Farmaajo also suspended the head of Somali navygeneral Mohamed Dirir. If the investigation finds misdeeds by Rooble he should be presecuted to the full extend of the law. It would set a good example for Somalia if premier Rooble is covicted and jailed.

Share this post

Link to post
Share on other sites
1 hour ago, Che -Guevara said:

This tweet was taken down. I guess Roble's minions are back at it😂

The president must take over the national tv

Share this post

Link to post
Share on other sites
8 hours ago, maakhiri1 said:

Farmaajo Waa mAskiin,  he got where he wanted this thief/m0ryaan,  caught red handed,

Madaxweynaha should blame none but himself. Asagaa keensaday ninkaan jeebkiisa u daran (after Qoorqoor consultation). Haka saarto marka. Nin u daacad ahaa sadex sano iyo bar - Kheyre - ayuu deg deg ku ceyriyey markuu arkay inuu hami musharaxnimo soo galay. He shouldn't have done that. Kheyre wax waa lagu eedeyn karaa but nothing close to this masuqmaasuq lagu arkay Rooblaawahaan oo tuugnimo iyo jeebkiisa buuxsado meesha u joogo. His jago should have ended six months ago.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Hiiraanonline waxee la safatay ra'iisul wasaaraha, I see.

Ra'iisal wasaare Rooble oo war kasoo saaray shaqo joojinta lagu sameeyay iyo ciidamo Xafiiskiisa la duldhigay

Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay war qoraal ahaa oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqo joojin uu ku sameeyay raysal wasaare Rooble iyo waliba ciidan la duldhigay xafiiskiisa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa talaabooyinka uu qaaday saacadahii lasoo dhaafay iney yihiin kuwa baal marsan Dastuurka dalka, islamarkaana uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego Xafiiskiisa wax walba oo masuuliyad daro ah oo yimaada uu dusha saaran doono madaxweyne Farmaajo.

"Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo"ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay sii wadashada shaqadiisa uusan marnaba gudashada waajibaadkiisa shaqo cidna uga heybeysan doonin.

"Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble.

Si kastaba ha ahaatee 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo ugu dambeyn sababay in gudaha madaxtooyada laga dareemo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cabsi badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed.

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   

The only compromise to  defuse the situation would be for this corrupt premier to reinstate the independent election commission ad the conflict resolution committee.He shouldn’t be interfering these independent bodies.

If Farmaajo is willing to use the military to restore order, the first place to start is the Nation Television and Radio which is taken over by outlaws 
 
Share this post

Link to post
Share on other sites
2 hours ago, galbeedi said:

Why whenever he comes back from Jabuuti uu qas iyo qalalaase siyaasadeed u bilaabaa Rooblaawahaan? Laba shilin loo soo dhiibaa suu dhibkaan u bilaabo. 

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.