Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Itoobiya oo Gaadhey Jiidaha Hore ee Dagaalka+Ciidmada Milateriga Itoobiya oo qabsay Magaalooyin hor leh+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Itoobiya oo Gaadhey Jiidaha Hore ee Dagaalka+Ciidmada Milateriga Itoobiya oo qabsay Magaalooyin hor leh 

 

Ciidamada dawlada itoobiya ayaa magaalooyin cusub ee gobolka Axmaarada ah Kala wareegay jabhada TPLF oo hore uqabsatay.

Sidoo kale Raysal-wasaare kuxigeenka itoobiya ahna wasiirka arimaha dibada dalka itoobiya ayaa gaadhay Jiida hore ee dagaalka iyo maagalada leibela oo cidiamada dawlada dib uga qabsatay jabhada TPLF.

KUXIGEEN-2.jpgWASIIR.jpg

Demeke Mekonnen ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiir ka arimaha dibada Itoobiya ayaa gaadhey magaalada taariikhiga ah ee Lalibela kadib markey halkaasi dib u qabsadeen ciidamada Militaryga Itoobiya.

Dawlada Itoobiya ayaa hada horumar ka sameynaysa furimaha dagaalka ay kula jiraan xoogaga TPLF.

ITOOBIYA.jpg

Dhanka kale wararka laga helayo dagaalada itoobiya ayaa sheegay in jabhada  TPLF ay iskaga baxeen magaalooyinka waldiya iyo buuralayda ku teedsan halkaasi oo muhiim u ahayd dagaalada ay kula jiraan ciidamada dawlada itoobiya iyagoo u guuraya goboladay kaz soo jeedaan ee tigraygu,

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this