Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble: Wax kasta Soomaaliya waxay kaga xanniban yihiin doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale ku baaqay in la de-dejiyo doorashada oo uu sheegay in Soomaaliya wax kasta uga xanniban yihiin.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in xitaa gargaarkii loogu tala-galay abaaraha ka jira Soomaaliya uu weli u xannibanyahay in la qabto doorashada.

Ganacsigii waa istaagay, gargaarkii waa taaganyahay wax kasta kor ayaa loo laalay oo wax la sugaya doorashadu in ay dhammaato” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxu ku baaqay in la isu’gu yimaado shir deg deg ah oo ku saabsan turxaan-bixinta iyo de-dejinta doorashada.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Rooble: Wax kasta Soomaaliya waxay kaga xanniban yihiin doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this