Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen: Ma jiro wax boob ah oo ka dhacay doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareeen, ayaa beeniyay wararka ku saabsan in ay jiraan beelo laga boobay kuraastoodii Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in beel kasta ku soo baxday kuraastii ay ku lahayd Baarlamanka, sidaas darteedna aysan jirin wax boob ah oo ka dhacay doorashada hadda socota.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sidoo kale tilmaamay in uusan fahmin micnaha laga wado boobka doorashada, maadaama kuraas kasta loo doortay dadkii ka socday Beesha saamiga kursiga leh.

Hadalkaas ayuu ka sheegay munaasabad xalay lagu xusayay sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii isaga loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Lafta Gareen: Ma jiro wax boob ah oo ka dhacay doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this