Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay cabtooy hubaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dowladda Puntland oo Caawa hawlgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo cabtooy ah.

Saraakiisha Booliiska ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen shan kamid ah cabtooyda hubaysan kadib iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo dhexmaray labada dhinac.

Saddex askari oo ka tirsan Booliiska iyo laba cabtooy ah ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadkaas oo ka dhacay Xerada Kabista ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay weli ku raad-joogaan qaar kamid ah cabtooyda oo goobta ka cararay.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay cabtooy hubaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this