Paragon Posted December 18, 2002 My Pick for today is the creative DHOODAAN and his poem - XAAJADU 1. Waagii hummaajidu ahayd halabadii guusha 2. Xaajadii huluulaha gashee haatuf ka adeegay 3. Xaajadii halaagguba ka dhacay ee huqdiga reebtay 4. Xaajadii hurgumadeedu ay heerka culus gaadhay 5. Xaajadii hadhkii loo fadhiyay geeda hoos badan leh 6. Xaajadii habeenkii ardaa lagaga haasaaway 7. Xaajadii horseedkiyo ergadu waayo ku harraaday 8. Xaajadii halyay daacadiyo hanaddo loo soocay 9. Xaajadii cirroole hufiyo hebelo loo doonay 10. Xaajadii markay hoga gashaba la isku haaraamay 11. Xaajadii hagaag diidayee lagu heshiin waayay 12. Xaajadii hirgali wayday ee hadal ka soo daashay 13. Xaajadii hagoog iyo waxay sir u hullaabnaydba 14. Markay hoos u jiidaan waxay kor u hayaantaaba 15. Hunfe iyo waxay qoomamiyo hibasho keentaaba 16. Belo ka hiig lahayd iyo waxay baas la huguntaaba 17. Markuu heedaddawgii batee dhiidhi huri wayday 18. Hurdufkiyo haraatida markii rag isku haaneeday 19. Ninkii libinta soo hoyin lahaa hiilka-se u baahday 20. Habarwacadkuu ula tagee hilibka soo mooday 21. Ee hurwaynka say ula dhacshaan kaga hadhee diiday 22. Halgaaddii isaga loo wadiyo hootadii nacabku 23. Nimankii hagraday maalinkay hanatayee laysay 24. Habboonaatayey wuxuu u yidhi jeerki gabay hawle 25. Isba dhinaca hoo maydabuu maalintaa hadayee 26. Anna waa habkiisee waxaan haatan leeyahaye 27. Maansadaan haloosin jiriyo qayladaan huriyay 28. Ha u liicinaay waxaan hayoon dhab u hanuunshaaba 29. Marna Xabashi huura leh Lixlaha kula haliilaaba 30. Marna hagar u daayoon rasaas ka haqab waayaaba 31. Marna badaw hunguri doonayaa harag u jiidaaba 32. Marna haatuf been sheegayaa hadal dhacsiiyaaba 33. Marna laba hadraysaa cidlada ku hindisoodaanba 34. Marna horintii jaadka u fadhiday male habeeyaanba 35. Marna kii dharaar loo hanjabay uu ka haajiraba 36. Marna kii hublayn waayayee heerki lagu dhaafay 37. Soomalidu maxay noo hayaan socoto haybshaanbee? 38. Hambalaalaqsanidaan arkiyo hirarka ay fuushay 39. Iyo sidaan jid loo haysan iyo hilinka ay doontay 40. Hiinraagga feedhaha waxaan hiririgleeyaaba 41. Kolla waxaan hammiga fooraroon hadalka daayaaba 42. Kol waxaan halmaan aawadii huga illaawaaba 43. Kolla waxaan is haadraaciyoon maadda la hintaabe 44. Kol waxaan hiyiga wayraxoon gacal huruufaaba 45. Kolna hoobadnimo jiibiyo gabay ku heesaaba 46. Kol waxaan higgaad ay fahmaan hogatusiiyaaba 47. Kolla tixaan higaagga u xidhiyo haar ku dumiyaaba 48. Halgan saasa taaggay waxaan soo huddamiyaaba 49. Waxay dhadiyo haydh-haydh madaw ku humbullaataaba 50. Hummaaggaa waxaan fiiriyoon daba huleelaaba 51. Dhankay ugu hubleeyaan waxaan ula hashleeyaaba 52. Himbiriirsi oohina waxaan daba hiqleeyaaba 53. Kol haddii dadkaygii hurdee hoorri dhacay toosay 54. Horta anigu holac aan qabiyo hibashaday dayne 55. Eeggaanan haadaa dhacayn halacsi mooyaane 56. Oo naftii aan haaraami jiray hiif u celinayne 57. Oo inaan hawoodiyo karaa inaan hadaaqaaye 58. Nimanyohow hambaabiray haddee heganka u taagan 59. Hantatoobsanayee maanta saan ugu hadhuub qaadnay 60. Inkastoon hannaanku u ekayn kaynu ku hungownay 61. Himmadaan la soo boodnay waa loo hanwayn yahaye 62. Hayaankaan raraynaana waa geeddi hawl badane 63. Dhexda inuu hadhsado kii rabow waa ban hoolane 64. Oo kii haro biya ah moodiyow waa harraad kulule 65. Oo kii hoyasho guri doonayow waa cidla’ u hadafe 66. Kii hadimo diidayow waa naftaa huride 67. Kii xoola haabhaabanow kuma hodmaysaane 68. Kii hadaaf xarrago maagganow haaruftaad bixine 69. Hayeeshee halaaggiyo innagoon halasahaa jiidhin 70. Hawd iyo Jabuutiba xornimo waa ka habartoodee 71. Oo haynraaf dhulkoodii gabiyo heecay bay noqone 72. Wixii lagu harriinshaana waa hoo adays gabaye 73. Ruuxii huleelee ka taga hogobka ciiddiisa 74. Hayntoroshka uu maganta u noqduu abid ka hoosayne 75. Hamuuntiyo dadkaan sheegayow waxaan haliilayno 76. Waa dalkeenna hooyoo xornimo lagu hoggaanshaaye 77. Markaan hibada guushiyo sadkaan u hanqal taagayno 78. Cadaw inaad hankaagtaan raboo idinla heesaaya 79. Oon ka lala hardamayoon ahayn la is hujuumaayo 80. Oo hadimmadiinnii wadaa qodaya haadaane 81. Nacabkii hoggaan kugu xidhee heerya kugu qaata 82. Hantidana bannaan kaa tubee hoygi kaa bixiya 83. Iyo wixii ku hoosaasiyaa waa isla halkiiyee 84. Ha u kala hambaynina dagaal haayirkiyo tuugga 85. Oo sidaa xornimo aan helliyo hodan ku raadceeya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 18, 2002 Read this lovely poem he wrote about Miss Right... ------ Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane.! Waa inaanay da;weynayn middaad guur u dayataaye.! Dabci waa inay leedahoo waana dabataaye.! Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye.! Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye.! Doorkaad wax fari waa inaan lagu daduucayne.! Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaale ahe.! Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye.! Waa inaanay kaa dudin markaad yae is diiddaane.! Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabinee.! Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye.! Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye.! Waa inay darmaan gaarriyo daran ahaataaye.! Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye.! Waa inay gacalo diiranoo debecsanaataaye.! Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye.! Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne.! Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye.! Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye.! Waa inuu ku daartaa udgoon deerka ka horowe.! Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye.! Dar Ilaahay waa inaad qalbiga ugu ducaysaaye.! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 18, 2002 Dhoodaan must be celeberated for his mastery of homour and commic -- Some of his commic poems can be called the funniest and the most liked ones by the younger generations. I for one love to listen to his poetry, and every time I listen to this poem - It brightens the day. JACBURKII DHOODAAN War horta ninyahaw anigu waan jeclaadaye Gabadhbaan jeclahay oo i jecel, mana jeclaadeene Haddii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye Ninkii ay jeclaatana la waa inuu jeclaadaaye Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye Jacaylkagya iyo keedu waa laba jeclaadoone Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay. Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammaantaaye Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne Dhallinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted December 18, 2002 Originally posted by JamaaL-11: Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye Lool jamaal this is really funny. ....................... MAANAA WAALAN MISE CADNBAA LAGA HEESAYAA Quote Share this post Link to post Share on other sites
AUN Posted January 15, 2003 Thanks for opening this topic I think DHOODAAN is a good poet but I would certainly not put him on the category of "ONE OF GREATEST" and I will justify it if needed. However, he is one of the best (if not the best) comedian poets we have seen especially those poems which are now classified as JACBUR and you already quoted one whihc he talka about love. Personally his JACBUR make laugh and I enjoy listening to them. Coming back to the issue of the greatest Somali poet, there is disagreement but here are some of the most popular names 1. RAAGE UGAAS (lived around 150 years ago) 2. SAYID MOHAMED ABDILLE HASSAN (died in 1921) 3. AW MUUSE ISMAACIIL (lived around 150 years ago) 4. ISMAIL MIRE (A comrade of Sayidka) 5. SALAAN CARABEY 6. QAMAAN BULXAN 7. CALI DHUUX Among all of them I would vote for ISMAIL MIRE not because I believe that he is the greatest among them but he was a religious and peaceful man and MUJAHID for the fight against British and his poems such as RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU KUGAA and GUUGUULAYAHOW HADAAD GUGA U OOYAYSO are the best known today Sine all of these poets were from the northern portion of the Somali Peninsula, I am obliged to mention some of the southern poets. I will vote for CARAYS CIISE KAARSHE for many reasons, first he poems are contemporary and simple to understand by the young generation also he was very genius by inventing a unique way of reciting his poems which are becoming popular and are known as SAAR and lastly he preached peace in his poems Quote Share this post Link to post Share on other sites
QalQaali Posted January 15, 2003 Jamaal.. There r some brilliant Somalian poets. I never have the time to listen or read their poems, but below are my favort poet. Cali Xasan ((Banfas)) I also enjoy the poems of Hadraawi (hadaananan Hadaanaan) Adaan Tarabi Jaamaac (Sh.Isaxaaq) Cali Jaamaac Haabil Ismaaciil Barkhadcas... Dhoodaan poems are so Funny walaahi.. Thxz Bro 1 Luv Q I Quote Share this post Link to post Share on other sites
qatari_1979 Posted January 15, 2003 Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteedaKolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday haabhaabadkii dambaan soo hambaabiraye U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay salan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalni Posted January 16, 2003 Iibsi Lacageed ...Ismaaciil Mire Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida eh Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye Dar iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye Amankaagay goortay wankii adhaxda tuujeene Inta weeye iyo maahadii la is ilaaqaayey Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene usha, jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya. ------- Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase ama koob shaah ah Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye Kashib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
AUN Posted January 17, 2003 Thanks Wadani for this two magnificent poems by the late Ismail Mire. There is another two poems by him. The first one is GUUGUULAYAHOW HADAAD GUGA U OOYAYSO (which talks about the extent of drought that hit the region) The second one is ANAGOO TALEEX NAAL JIHADII NOO TIMIDE (which he talks about how his army killed Richard Corfield or KOOFIl so if you have both or any of them please post them here and share it with us Quote Share this post Link to post Share on other sites
AUN Posted January 17, 2003 Infact I found both of them from the internet the first one is GUUGUULE Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku, Oo aad gamoorahakan maran gama' la'aan diiday, Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo'laysay, Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo, Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye, Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne, Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e, Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye, Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye, Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye, Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline, Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne, Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye, Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye, Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye, Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde, Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haraye, Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye, Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene, Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode, Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye, Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye, Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye, Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye, Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye, Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye, Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare, Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane, Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye. Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye, Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde, Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane, Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede, Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye, Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e, Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye, Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye, Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne, Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo, Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye, Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!! The second one is TALEEX Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka, Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay. Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine, Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay, Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray. Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka, Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani, Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay. Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay, Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay, Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay. Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay, Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay, Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi. Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay, Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay, Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage. Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay, Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay, Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray. Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday, Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday, Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare, Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray. Tala xumada awrtuu xiray baqi tarraarsiinnay, Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela, Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore, Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay. Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay, Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba, Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay. Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle, Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay, Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaarka, Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay, Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay, Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe, Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay. Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo, Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey, Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda, Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray, Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto, Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne, Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye. Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye, Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye, Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere. Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye, Tunkaana waan ka soo xirahayaa Timirki dheeraaye, Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye? Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye, Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye, Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye, Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye, Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
qatari_1979 Posted January 17, 2003 Tixda gabay Maxamedow beryahan waanigaan tirine In dhoweydba waataan ka tegey Ta iyo Wowgeede Ma tilmaamin maansooyinkaan teeb garayn jirayeXaluun baan tawalay goor dhaxay tahay allaylkiiye Kolkii uumiyuhu wada tarquday Tammani lay keenye Tuu alifka oo dhacay hurdada taw ka soo iriye Waxaan tebayo mooyee qalbigu taami noqon waaye Tusaalaha adduun iyo walaac la igu soo tuurye Tog yar iyo bannaan iyo anoo tuban ka baaqaaya Taalloolayaal iyo anoo taaggi siraw jooga Toomaha walwaaleed anoo torog ku maalaaya Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada tiirshay Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii yimiye Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo idhiyeTammuunkii ku imi meel jinnoo aan tamadinayne Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma moodeyneWaxa tuban kun tamar laawe aan tacabna eegayne Talaatiin gu qaar joogay baan toob u xaadirine Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga waaye Taf la jiido iyo bay hayaan tookha debedeede Teys ma laha taaloogga iyo timo la xiiraaye Aniguna tabtoodii haddaan yara tacliimeeyey Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal dhiganaynin Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi raacayninKol haddanan telifoonka iyo taarka qabanaynin Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey Way tala xumaan Maxamadoow tanoo andhawrtaayeTacliin aabahay wuxu i baray tooyyo soo godole Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga tooreeyeWaxba gabaygu yuu ila taffine waxaan ku taalleeyey Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga e Tabantaabo gacal baan rabaaye tolow ha lay dhoofsho. Maxamed Kaahin Feedhoole Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted September 1, 2003 Kuujaa iyo leetta! by Sangub... enjoy Kaamiloow kawlaan baan ku fari, koriyo hoos dheh, Koorreey haddaad gaadho iyo, kadinka geeleena Kambalkiyo duleedkaan rabaa, inaad ku sheegtaaye Koowkow u tiri hadalladaan, kugu karaameeyay Taariikhdan soo korodhay baan, koobi leeyahaye, Kansho malahan adduunyaduna waa, kadis ku noolowe Kiiskii horaan iga dhammaan, lays karkabadeeye Kor madoow hamoodina inuu, uunku kaa xigo e Kufaar waa kufaar uun haddana, kii cad baa naxa dheh Mindiyaha kureed lagu lisaan, niri na kaalmee dheh Kadeed iyo dhibbaa na dilay dadkii, Kenya soo galay dheh; Kadarna waan ka laadlaadsanahay, koriyo buur dheere Karkaarkay na waydaariyeen, kaalinkii dhexe dheh Dadkuna waa nakuuf1 iyo suge, iyo koor wad baw sudhan dheh Kibir iyo ciyaar lalama tago, meel Kiyoosa ah dheh; Naf kadeedan baa lagu qashaa, kaymo bahaleede Kalaajiin2 waxay nagu qasbeen kuudud waaqlada dheh Kuman jeelkii baa lagu dhex dilay, aan kirna lays oran dheh Kumana waa maxaabiis walina, koodhkii may iman dheh Kumana waa habooy uu dugaag duur ku haaligay dheh Kumana Dhuudhi baa kaday lugaha, oo dhex kuududa dheh Boqolkiiba kontan bay dishaa, mici Kaneecaad dheh, Kumanyaalka soo hadhayna xeryahay, kololo'eeyaan dheh Dumarkiina karreeb dhoofidaa, lagu kaxeeyaa dheh Kurkaa laga jaraa aabbe nooloo, kaynta yuurura dheh Labadii is kaalmayn lahayd, waayahaa kulul dheh Kuur kuursi baa lagu jiraa, kuudud bahaleed dheh Korkaygana cadhaa lagu salliday, kuudud nabareed dheh, Kaadidana ma celiyaan kelyaha, kaydii dabac dheh Cudur kama kacaan Aids-na waa, laga kurboodaa dheh Kariimka waxaannu barinnaa inaan, kaasi noo iman dheh Karaamadii uu Soomaal lahaa, kaadh xun baa gubay dheh, Dad kalsooni waayay baannahay oo, Weewe loo kaday dheh Kal geeddi baan nahay kolkii, waagu kaaho dheh Waana nala karbaashaa ulay, nagu kaxeeyaan dheh Karinna waannu leenahay sidii, awr kidhaalaha dheh; Ninkii koob Maharako3 ah helaa, ayaa kiishka buuxsaday dheh, Kayd waxaannu haynaa cuntada, Kaabash baa jira dheh Kolkol baannu labaleey qadnaa, keena madhanleey dheh Kuukaayadiina4 way kacday oo, laysku kululaa dheh Kurka inaaba faas la isku jaro yay, kaabiguu timid dheh; Nimaam lacagta Kenya lahayn kadinka loo diid dheh Kuuja!5 iyo Leetta!6 iyo keen, kaydkii raamsade dheh Jeebkaygu kolay buu u yahay, kaydiyaa lacag dheh Korkaygaa xafiis looga furay, kaamba luushaha dheh Kastamkoodu waa boobe iyo, kiis la daydayo dheh. ----- 1. Nakuuf -- dhimasho (af sawaaxili) 2. Kalaajiin -- qabiil reer Kenya ah 3. Maharako -- digir (af sawaaxili) 4. Kuukuuya -- qabiil reer Kenya ah 5. Kuuja -- kaalay (af sawaaxili) 6. Leeta -- keen (af sawaaxili) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 31, 2008 Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay. looooooooooool ,,, My favourate part Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garmaqaate Posted September 19, 2009 Originally posted by Kisima: Thanks for opening this topic I think DHOODAAN is a good poet but I would certainly not put him on the category of "ONE OF GREATEST" and I will justify it if needed. However, he is one of the best (if not the best) comedian poets we have seen especially those poems which are now classified as JACBUR and you already quoted one whihc he talka about love. Personally his JACBUR make laugh and I enjoy listening to them. I will definitely disagree with you. Dhoodaan is one of the greatest if not THE greatest somali poet ever. His poems are not limited to JACBUR even though he is the father of JACBUR. He is a true patriot and his command of the Somali language is amazing. I think no poet since Raage Ugaas has reached his philosophical insight into the Somali culture and behaviour. His poems against Siyaad Barre are legendery. He is heads and shoulders above most of those you listed That is not say the anything less about the great list you provided but it is a reflection of how good Dhoodaan really is. Quote Share this post Link to post Share on other sites