Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo hawgal ku qaaday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada difaaca Puntland ayaa maalmahan hawlgal xooggan oo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadaan buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Wararku waxay sheegayaan in hawlgalkaas lagu burburiyay saldhigyo kala duwan oo Al-shabaab ku leeyihiin silsiladda Golis.

Hawgalka ayaa ku socda dhul cidla’ ah oo aysan joogin cid ka madax-bannaan dhinacyada dagaallamaya waxaana adag in xog sugan laga helo khasaaraha labada dhinac.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in hawlgalku sii socon doono si kooxaha taabacsan Al-shabaab looga saaro silsiladda Golis.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo hawgal ku qaaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this