Sign in to follow this  
Deeq A.

Kursigii Jawaari Laga Dhacay Oo Dib Loogu Noqonayo Doorashadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa ku dhaawaqy in dib loogu celinayo doorashada kuraasta HOP#154 iyo HOP#103, oo ay sheegen in aan loo marin habraacii loo jideeyay doorashada golaha shacabka.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu xusay in kuraastaan oo lagu doortay maalmihi la soo dhaafay magaalada Baydhabo lagu celinayo doorashadooda kadib cabasho ka timid xubna ka mid ah musharixiintii u tartamayay

Kursiga HOP#154 ayaa 29 bishii hore ee November loogu doortay Sareedo Maxamed Cabdalla, halka kursiga HOP#103 oo horay ugu fadhiyay guddomiyihii golaha shacabka baarlamaankii 9-aad Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari 28 November beydhabo loogu doortay Mohamed Ali Hassan oo ah wasiirka howlaha guud ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya .

Hoos ka akhriso War-qadda dib loogu celiyay doorashada labadaas Kursi

264651644_445494313693562_85913861433084

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this