Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan magaalada BOOSAASO

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka u dhaxeeyo hoggaanka ciidamada PSF ee xilka laga qaaday iyo madaxweyaha Puntland Saciid Deni.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Deni ay xiriiro la sameynayaan hoggaankii xilka laga qaadey ee PSF, iyadoo dhinac kale madax dhaqaameedka ay leeyihiin kulamo la doonayo in qaab nabad ah lagu dhameeyo xaaladda taagan.

Gaadiidka dagaalka ayaa loo diiday inay galaan magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay xiisad ka taagan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu kasoo baxay madaxda sare ee Puntland, si looga hortago in Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaaday ay galaan magaalada oo hadda ka socdaan dadaallo khilaafka jira lagu xalinayo.

Gaadiidka Ciidamada ayaa lagu celinayaa halka loo yaqaano Carmo oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Saciid Deni.

Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo ganacsi ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jirtay xaalad cabsi ah kadib markii ay Magaalada soo galeen ciidamo kala duwan oo iska soo horjeedo kuwaas oo kala taageersan Saciid Deni iyo madaxda PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan magaalada BOOSAASO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this