Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida loo xusho,Loona Tababaro Sirdoonka Israa’iil!

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida loo xusho,Loona Tababaro Sirdoonka Israa’iil!

.

“Waxa ay doonayaan dad daacad ah. Waxa ay qortaan dadka aniga oo kale ah – dadkaas waa muwaadiniin reer Israa’iil ah oo adeeca dowladooda. Waxa ay ku barayaan sida wax loo xado, oo loo dilo dad badan. Waxa ay ku barayaan waxyaabo uusan samayn karayn qofka caadiga ah.” Ayuu yiri Gaddy Sherman, oo hore ugu tirsanaan jiray hay’adda sirdoonka ee Israa’iil ee Mossad, mar uu BBCda u warramayay 2010-kii

Waxaa jira sheekooyin badan oo la xiriira hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Qaar ka mid ah sheekooyinkaas waa wax dhacay halka kuwa kalana ay yihiin wax la iska abuurtay. Hasayeeshee dhabtu waxa ay tahay in dunida oo dhan laga cabsado Mossad.

Mossad ayaa luuqadda Hebrew-ga waxa ay ku tahay hay’ad. Mossad waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah hay’adaha sirdoonka ee ugu awoodda badan caalamka.

Haddaba sidee hay’adda sirdoonka ee dalkan yar sida Israa’iil oo kale ay u noqotay mid xoog badan oo dalalka awoodda badan khalkhalisa?

 

Basaasnimadu malahan wax sharci ah

Mayd ayaa waxaa laga helay hoteel ku yaal magaalada Dubai, iyadoo qolkana uu hoos ka xirnaa. Ninka dhintay ayaa la aqoonsaday inuu ahaa Maxamuud Al-Maxbuub, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta. Qofkasta waxa uu u malaynayaa in ninkaas uu caadi isaga dhintay.

Qof qolka galay ma jirin, albaabka qolkana hoos ayuu ka xirnaa, siduu marka qofka gudaha ugu dhintay?

Waxaa laga shakisan yahay in Mossad ay ku lug laheyd dhacdadii 2010-kii, walow Mossad aanay meel fagaare ah arrintaasi ka qiran.

Hasayeeshee kaamerooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqa ayaa waxa ay duubeen howlgalka Mossad.

Markii uu Maxbuub ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Dubai ee uu imanayay hoteelka ayaa waxaa daba socday qof.

Markii uu galay wiishka hoteelka uu ku dagay dabaqa labaad ee hoteelka ayaa waxaa daba socday laba nin oo xiran dharka lagu ciyaaro teeniska.

Xaaska Maxbuub ayaa goor dambe waxa ay soo wacday hoteelka, maadaama uu ninkaasi muddo dheer wax xiriir ah samayn.

Muuqaalka kore ee Qudus
Muuqaalka kore ee Qudus

Dr Saciid Hamiri oo ka tirsan booliska Dubai ayaa BBCda u sheegay “Markii maydka lagu sameeyay baaritaan la xiriira sababta uu u dhintay, boolisku waxa uu ogaaday in Maxbuub uu soo gaaray dhaawac jireed, hasayeeshee ma aanay jirin astaan inuu dhacay dagaal. Halka ay ogaadeen in albaabka qolka uu hoos ka xirnaa.”

Waxaa la baaray baasaboorrada labada nin ee daba socday Maxbuub ee xirnaa dharka teeniska lagu dheelo, waxaana la ogaaday inay ka soo jeedaan dalal kale. Dalalka baasaboorradooda la isticmaalay ayaa arrintaas ka cawday.

Booliska Dubai aya asheegay in Mossad ay ka dambaysay weerrarka. Sida uu sheegay Dr Saciid Hamiri madaxa Mossad ee London ayaa shaqadii ka eryay mid ka mid ah labada nin oo midkood uu ahaa diblumaasi hore oo Israa’iili ah.

Gaddafi, oo ah nin hore uga tirsanaan jiray Mossad, ayaa sheegay in “Waxyaabahaas oo kale marwalba ayey dhacaan. Waxa ay ka dhaceen Ireland, Australia iyo dalal kalaba.”

Dunida sirdoonka marwalba shuruucda waa la jabiyaa, hasayeeshee Israa’iil ma ka badbadisaa?

Mar uu su’aashaasi ka jawaabayay madaxii hore ee Mossad Ephraim Halevi ayaa sheegay in “Waxyaabo badan oo aan run ahayn ayaa jira, laakiin waxaa la sameeyaa wax badan oo sharciga hareer marsan. Mase ay jirto cid waligay I waydiisatay inaan sharcidarro sameeyo. Dambi ma ahan inaad samaysidse waxa lagu sheego inay tahay inaad samaysid. Xusuusnow, sirdoonku sharci qabto malahan.”

Aasaaskii Mossad

Dhaqanka Mossad ayaa ah in ay u diyaargaroobaan halisaha waa wayn, dhaqankaas oo ka imanaya xaalado adag oo jiray waqtigaas la aasaasayay hay’addan.

Taariikhda Israa’iil, dalkaas ama dagaal ayuu kula jiray dalalka Carabta ama xaalad colaad ah ayuu ku jiray. Maanta, Israa’iil waa quwad wayn, hasayeeshee dhaqanka Mossad waxba iskama badelin.

Dagaalkii Israaiil iyo Carabta
Dagaalkii Israaiil iyo Carabta

Mossad ayaa waxaa la aasaasay 1949, sannad kaddib markii la sameeyay Israa’iil. Israa’iil waa dal ay leeyihiin Yuhuudda ku nool bartamaha shan dal oo Carab ah. Caadiyan, waxa ay u baahnaayeen hay’ad sida Mossad oo kale ah oo indhaha ku haysa cadawga xuduudaheeda.

Howlgal ay fulisay 1960-kii ayaa Mossad waxa ay ku heshay magac oo caalamka loogaga aqoonsaday kartidooda. Howlgalkaasi ayaa waxaa loogaga gol-lahaa soo qabashada Adolf Eichmann, oo ka tirsanaan jiray Nazi-gii Jarmalka kuwaas oo Argentina ku dilay malaayiin qof oo Yuhuud ah.

1957 Mossad ayaa waxa ay ogaatay in Eichmann uu magaca iska badalay oo uu ku nool yahay waddanka Argentina. Dabayaaqadii bishii Abriil ee 1960-kii ayaa koox ka socota Mossad oo sirdoon ah waxa ay dhinacyo kala duwan ka galeen dalkaasi Argentina.

Ninkaas ayaa waxa uu ku noolaa guri uu ka kiraystay magaalada Buenos Aires. Qorshihii bay bilaabeen inay fuliyaan sirdoonkii Argentina loo diray oo waxa ay afduubteen Eichmann maalin uun kaddib markii ay tageen halkaas iyagoo Argentina ku hayay muddo 10 cisho ah.

.

Haddii ay khalad samayn lahaayeen waa la ogaan lahaa oo xiisad ayaa caalamka ka kici laheyd.

Maalintii 10-aad diyaarad sidday wasiirro Israa’iiliyiin ah ayaa waxa ay tageen caasimadda Argentina halkaas oo ay barnaamij ka fulinayeen. Isla habeenkii ayey diyaaraddii wasiirrada sidday waxa ay Israa’iil u qaadday Eichmann. Kaasi waxa uu ahaa howlgalkii ugu waynaa ee koobaad ee ay Mossad qaaddo.

Wixii markaas ka dambeeyayna Mossad gadaal ma aanay eegin, mana aanay ka shakiyin inay howlgallo adag ka fuliso dalalka shisheeye.

Eichmann waxaa markii dame lagu daldalay Israa’iil.

10-kii sanadood ee xigtay, waxaa sare u kacay cabsida Mossad iyagoo howlgallo ku beegsaday fallaagada Falastiiniyiinta.

Roman Bergman, oo ah weriye Israa’iili ah qorayna buugga “Taariikhda cusub ee Mossad” ayaa BBCda u sheegay: “Maalintii koobaad ee la aasaasay Mossad, ma aanay ka gabban inay dilaan dadka qaar. Ma jixinjixaan marka ay sharciga jabinayaan. Mararka qaar awood xad dhaaf ah ayey isticmaalaan, naxariis ma lahan, middaas ayeyna ku gaaraan yoolkooda.”

Markii ay Mossad ku guulaysatay howlgalkoodii ugu horreeyay ee caalamiga ahaa ayaa waxa ay bilaabeen inay qaadaan howlgallo kale oo ay dhulal shisheeye ka fuliyaan.

Mossad ayaa Cali Cohen oo ka mid ah howlwadeennadeeda waxa ay u dirtay caasimadda waddanka Suuriya ee Dimishiq isagoo iska dhigay inuu yahay muwaadin dalkaasi u dhashay.

Sarkaalkaas xog muhiim ah ayuu u soo dirayay Mossad, ugu dambayntiise waa la qabtay oo waa la dilay.

Koroneel Adolf Eikman
Koroneel Adolf Eikman

1960-yadii, Mossad ayaa waxa ay afduubteen diyaaraddii cusbayd ee MiG iyagoo ku gooddiyay inay waxyeelaynayaan saynisyahannada Jarmalka ee ka shaqaynayay Masar.

Waayadii hore Mossad waxa ay u bareeri jirtay inay madaxa la gasho hay’adaha kale ee sirdoonka, mana aanay kala jeclayn waxa dunida kale ay oran doonto.

Yossi Melman waa weriye dhanka gashaandhigga wax ka qora oo ku nool Israa’iil. Waxa uu qoray buugga “Taariikhda Mossad”.

Mar uu BBCda la hadlay ayuu sheegay: “Waxa ay leeyihiin dareen sare, si nadiif ah ayeyna u fuliyaan howlgalkooda. Waxa ay galaan dalal shisheeye oo ay dambiyo ka galaan, waxa ay ku xadgudbaan sharciga caalamiga ah, Mossadna qaabkaas ayey daneeyaan inay u shaqeeyaan.

“Marka xigta, waxa ay ku qanacsan yihiin inay sameeyaan waxa ay rabaan, oo aanay wajihi doonin cawaaqibka ka dhalan kara. Sanado yar ayaa laga soo wareegay markii Israa’iiliyiinta la laayay, oo dunida naxariis ayey u haysay Israa’iil iyo Yuhuudda. Dalka yar ee markaas uun soo koraya.” Mossad middaas ayey ka faa’iidaysatay”.

Mossad ayaa noqotay halis wayn

1970-yadii, Basan Abu Sharif ayaa noqday mid ka mid ah dadka aadka loo yaqaan ee wajiga u ah dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta. Basan ayaa sidoo kale udub dhexaad u ahaa wargeyska Falastiiniyiinta. Waxa uu sidaasi bartilmaameed u noqday weerraradii ugu horreeyay ee Mossad.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mossad ayaa xoogga saari jirtay hal arrin uun, waana midda ay dunida oo dhan caanka uga noqotay. Waxa ay ku bilowday weerrarkii Basan Abu Sharif.

Weerrarada khaarijinta ee Mossad ayaa xooggaystay kaddib dhacdadii Munich 1972-kii.

Siyaasadihii Mossad oo la badelay

“Arrintu ma ahayn oo kaliya in la dilay 11 muwaadin oo Israa’iiliyiin ah, ee ciidammada ammaanka ee Jarmalka waxba ma aanay samayn, mana aanay ogolaan in ciidammada Israa’iil ay tallaaba qaadan. Israa’iil iyo Mossad ayaa markaa kaddib waxa ay go’aansadeen in aanay reer Yurub ka tuugin ogolaansho,” ayuu yiri Roman.

Sanadihii xigay, Mossad ayaa sii wadday baadigoobka iyo dilka dadkii mas’uulka ka ahaa xasuuqaasi. Mossad ayaa sidoo kale Norway ku dishay nin aanan waxba galabsan oo Marookaan.

Mossad ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay yihiin kuwo dhiiroon oo adadag oo badanaa dilay dad aanan ku lug lahayn dhacdadii Jarmalka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,ALAMY

Tababarka Mossad

Wadaniyadda ayaa u muuqata inay tahay mid lagu dheehay dhiigga Mossad.

“Tallaaba kasta ee uu qaado qof ka tirsan Mossad waxaa sal u ah wadcaniyadda,” ayuu yiri Roman.

Hasayeeshee ma fududa in lagu biiro Mossad. “Waa inaad martaa baaritaanno badan, caqliyan iyo jismiyanba. Luuqaddaada ayaa la tijaabinayaa.” Ayuu yiri Mishka Ben David oo Mossad la soo shaqeeyay 1980-yadii.

“Muddo sanad ah ayaan tababaranay. Aad ayuuna tababarku u adkaa. Markii aan tababarka dhammaystay, waxaa la iga qaaday tijaabooyin kala duwan waxaana la i amray inaan howl qabto. Howshaasi qaarkeed wax aan layaabo ayey aheyd.” Ayuu yiri David.

Sida David uu sheegayo waxaa la eegaa aragtida qofka, taas oo muujinaysa sida qofka uu u fakaro. Mossad waxaa laga qoraa oo kaliya dadka adadag ee la iman kara fikrado culus oo taabbageli kara.

.

Mossad haatan kaalintay kaga jirtaa sirdoonka caalamka

Mossad ayaa mararka qaarkooda kaligeed waxa ay fulisaa howlgallada, mararka qaarkoodna waxa ay howlgallada wada fuliyaan dalal ay saaxiibbo yihiin, mararka qaar waxa ay u dhacaan dalal ay saaxiibbo yihiin halka mararka qaarna ay taageeraanba kaligii taliyayaal. Waxa kaliya ee ay eegaan waa inay sameeyaan wax dalkooda u wanaagsan.

Hasayeeshee wax badan ayaa isbadalay kaddib weerraradii 11-kii Sibteembar, 2001, lagu qaaday waddanka Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada, markaas oo uu dalbaday in dhammaan dalalka ay wada shaqeeyaan, oo aanan loo falgelin dal dal.

Kaddib markii falalka argagixisada ay noqdeen dhibaato caalami ah, sirdoonka Mossad ayey ka soo baxeen isqarintii ay Yurub ku joogeen. Hay’adaha sirdoonka ee caalamka ayaa haatan u baahan dad aqoon durugsan u leh dagaalkaasi.

Markii la burburiyay daarihii mataanaha ahaa ee New York, Mossad ayaa noqotay hay’addii sirdoon ee ugu horraysay ee uu Mareykanku gacan waydiisto. Qorshooyin badan oo Mareykanka uu ugu talagalay ladagaalanka argagixisada ayaa waxaa la wareegay Mossad.

Muuqaalka Mossad ee naxariisdarrada ah, gardarrada iyo khiyaanada ayaa noqday mid caan ka noqday caalamka.

Sida uu sheegay taliyihii hore ee Mossad Shabday Shavit, “Sida naloo arko ayaa ah awooddayada”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this