Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Dab Ku Qabsaday Dooloow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw dab uu ka kacay diyaarad ku sugneyd gudaha garoonka degmada.

Diyaaradda ayaa la sheegay in uu dab ka kacay xilli ay ku socotay wadada ay diyaaraduhu ku soo dagaan ee garoonka.

Diyaaraddan oo noocedu yahay A C-160, ayaa waxaa ay u rarneyd hay’adda cunada u qaabilsan qaramada midoobay ee WFP.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa kala soco Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this