Sign in to follow this  
Deeq A.

Kursigii Loo Doortay Mahdi Guuleed Oo Hakiyay Iyo Dacwad Laga Gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#239 kaasoo uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa sheegay in uu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo ah xildhibaankii hore ee kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo labada November inta guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaadhayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa doorasho ka dhacday xarunta Tababarka Booliiska ee General Kaahiyr kursiga dacwadda laga keenay isagoona noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha shacabka 11-aad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this