Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Warabe Oo Sheegay In Madaxweyne Biixi Uu Qorsheeyey In Doorashada Madaxtooyada Uu Wakhtigeeeda Ku Qabto.

Recommended Posts

Deeq A.   

Faysal Cali Waraabe ayaa  tilmaamay inaanu Faysal ahaan, wareejinayn gudoomiyaha xisbiga UCID.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Warabe ayaa sheegay in  Madaxweynaha Somaliland, mudane  Muuse Biixi Cabdi, uu qorsheeyey in doorashada madaxtooyada ee sannadka danbe wakhtigeeeda uu ku qabanayo.

Waxaanu guddoomiye Faysal Cali Waraabe sidan ku sheegay wareysi uu siiyay idaacada Voa

Guddoomiye Faysal isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Anigu doorkan ma wareejinayo, maxaan ku wareejiyaa? Yaan u dhiibaa? Yaa kaadir ah oo xisbi ka soo shaqeeyay? Ma ragga aanu hadda dhisayno ee aanan weli tijaabin ayaanu wareejinaynaa, mise qof hadda nagu soo biiray oo aanan garanayn ayaanu ku wareejina?.

Kelmada wareeji waa ceeb, adduunka meel aan Somaliland ahayn oo ay ka dhacdaana ma jirto, waxa la wareejiya xisbigu marka uu guulihiisa gaadho ayaa la wareejiyaa”

Faysal waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu uu doorashada madaxtinimada wakhtigeedii ku qabanayo oo aanay dib uga dhacayn.“Adduunku lacagta inta hadhay ayuu bixinayaa, marka madaxweynaha waxa aan ku boorinayaa oo aan ku tusaalaynaa, uguna hanbalyaynayaa, labadii uu qabtay ee uu kharashka ku bixiyay, imikana doorashada wakhtigeeda ku qabanayo taariikhda ayuu galayaa, madaxweynihii u horreeyay ee aan korodhsan buugayga taariikhda ayaan ku qorayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this