Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo isu dhiibay Al-shabaab.

Rag isu’gu jira askar iyo saraakiil ayaa Al-shabaab ku soo bandhigtay tuulada Buq-Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Raggaas oo tiradooda lagu sheegay sagaal nin ayaa ka hawl-gelayay magaalooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi sida Al-shabaab sheegtay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay magacyada raggaas; Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo Cabdifitaax Aadan.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this