Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Dhakhaatiirii khiyaantey oo Ilma-galeenkeeda looga faa’iideystay Daweynta Casriga ah oo lagu badbaadiyey Malaayiin Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay Dhakhaatiirii khiyaantey oo Ilma-galeenkeeda loo faa’iideystay Daweynta Casriga ah oo lagu badbaadiyey Malaayiin qof

Henrietta Lacks. File photo
Henrietta Lacks, a tobacco farmer, was buried in an unmarked grave in Virginia in 1951

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maamuustay haweeney madow ahayd oo u dhalatay dalka Mareykanka, taas oo unugyada jirkeeda ay sabab u noqdeen guushii ugu waynayd ee xilliga casriga ah laga gaaray baaritaan dhanka caafimaadka ah.

Henrietta Lacks waxay dhimatay iyadoo 31 sano jir ah, waxayna xilligaas ahayd sannadkii 1951. Waxay u dhimatay Kansarka Ilmo-galeenka.

Dhakhaatiirtii daweyneysay waxay ku sameeyeen baaritaanno iyadoo aysan ogeyn qoyskeeda iyo xitaa iyada, intii ay noolayd. Waxay ka qaadeen deecaanno iyo waxyaabo ay baaritaan caafimaad u adeegsadeen.

Waxay ahaayeen unugyadii ugu horreeyay ee la qaaday ee ku sii labada jibbaarmay bannaanka jirka bini-aadamka.

Waxaa loo adeegsaday baaritaannada la xiriira tallaalka xanuunka Dabeysha, qaabeynta hido-Sidaha, iyo daweynta IVF.

Guulahaas la gaaray waxay sababeen in Henrietta Lacks loo magacaabo “hooyada” daweynta iyo dawada casriga ah.

“Arrinta ku dhacday Henrietta way qaldanayd,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Wuxuu hadalkaas ka sheegay munaasabad gaar ah oo ka dhacday Geneva, Arbacadii.

“Henrietta Lacks waa la khiyaamay. Waxay ka mid tahay dumarka aan caddanka ahay ee seynisyahannada ay si khaldan u adeegsadeen maydadkooda.

“Waxay aamintay hannaanka caafimaadka si loo daweeyo. Balse hannaankaas ayaa jirkeeda wax kala baxay iyadoo aan ogeyn oo anan u oggolaanin,” ayuu yiri Dr Tedros.

Unugyada The HeLa – waa magaca laga soo gabiyay magaceeda Henrietta Lacks – waxaa sidoo kale loo adeegsaday sameynta tallaalka kansarka ilmo-galeenka, kaas oo ah cudurka ay u dhimatay.

Wiilkeeda oo 87 sano jir ah hadda, lana gudoonsiiyay abaalmarinta lagu sharfay hooyadii, wuxuu sheegay in ay ahayd haweeney cajiib ah, taas oo dunida sii caawineysa muddo ka dib geerideeda.

Henrietta Lacks, qabrigeeda lama garanayo, sababtoo ah waxaa lagu aasay qubuuro si gaar ah loogu sameeyay dadkii la faquuqayay ee ku dhintay Isbitaalka Baltimore, ee Maryland.

 

.
Henrietta Lacks.

Sida Henrietta Lacks sheekadeeda ay ku billaabatay?

Dad aad u yar oo taariikhda dawada ku suntan ayaa la dhihi kara waxay badbaadiyeen nolol ka badan inta ay badbaadisay Henrietta Lacks.

Mid ka mid ah haweenka madow ee da’ yarta ah ayaa xaq u leh sheegashada macquulka ah ee ah in ay samaysay mid ka mid ah waxtarka ugu weyn daawada casriga ah – iyadoo aan waligeed ogeyn inay iyadu falkaasi fashay.

Henrietta Lacks waxaa laga helay kansarka ku dhaca makaanka afkiisa 1951 iyadoo 31 jir ah, wax yar uun ka dib markay dhashay cunugeedii shanaad.

Waqtigaas, Isbitaalo badan oo ku yaala dalka Mareykanka ayaa wali ku jira xaalka kala sooca dadka madow iyo dadka cadaanka ah, sidaa darteed waxaa jiray ikhtiyaarro yar oo iyada ah oo ay ku raadsato daaweyn markii ay bilaawday calaamadaha xanuunkaas. Waxay u leexatay Isbitaalka Johns Hopkins ee ku yaal Baltimore, Maryland, maadaama uu ahaa kii ugu dhowaa gurigeeda.

Qaybta ay gashay waa qaybta George Gey, oo ah cilmi-baare isku dayay inuu ku kobciyo unugyada aadanaha shaybaarkiisa muddo tobanaan sano ah. Intii lagu guda jiray daaweynta si looga jaro buradaasa, dhaqtarkeedu wuxuu u diray shaybaadh yar oo unugyada ah iyada oo aan ogolaansho ka helin George Gey.

Illaa waqtigan, isku dayga lagu doonayo in lagu koriyo unugyada aadanaha meel ka baxsan jidhka ayaa ahaa mid guuldarraysta. Laakiin wax yar oo ku saabsanaa unugyada Lacks ayaa beddelay xaalkaasi.

Henrietta Lacks, si kastaba ha noqotee, ka hor dhimashadeeda shaybaar yar oo unugyadeeda ah ayaa laga qaaday iyada oo aan ogeyn, unugyadani ma dhiman. Si ka duwan shaybaar kasta oo hore ee unugyada aadanaha, kuwani waxay sii wadeen inay koraan oo tarmaan welina sidaas ayey maanta sameeyaan.

Dadka badankood habka dabiiciga ah ee loo yaqaan ‘duqoobiddu’ wuxuu xad u yeelaa inta ay noolaan karaan unugyadu. Is beddelka waa wax ku xidhan gabowga: maadaama unugyadu kala baxayaan oo tarmayaan waqti ka dib. Isbeddelladaas waxay u eg yihiin inay la xidhiidhaan kansarrada iyo cudurrada kale ee da’da ay keento.

Caadi ahaan unugyada aadanaha waxay awoodaan inay qeybsamaan ilaa 50 jeer ka hor intaysan gaadhin xilligii ay ku hawlgabi lahaayen

.
.

Laakiin unugyada Lacks way ka duwanaayeen. Unugyadeeda waxay awood u yeesheen inay qaybsamaan oo ay oo iskusoo noqdaan si aan xad lahayn.

Waxay ka dhigtay iyaga kuwo ku habboon cilmi baarista caafimaadka maadaama dhaqanka unugyada isku midka ah dhaqso loo korin karo. Si dhakhso leh, saynisyahannada adduunka oo dhami waxay u qaadayeen qaybo unugyada Lack’s si ay u baadhaan.

Nooca unugyadeeda ee loogu magac-daray “HeLa” oo lagu sharfayo Lack, waa khadka ugu horreeya uguna badan ee la isticmaalo ee ku jira daawada.

Malaayiin dad ah ayaa noloshooda waariyeen unugyada laga qaaday iyada – unugyadeedii ay soo saartay ayaa loo isticmaalay in lagu abuuro tallaalkii ugu horreeyay ee cudurka dabaysha, dawooyinka kansarka iyo bacriminta ku jirta fitamiinnada.

Sheekadeedu sidoo kale waa mid ka mid ah sheekooyinka anshax ahaan murugsan. Sannadkii 1951 fikradda oggolaanshaha bixinta unuguyadeeda lagama wargelin oo lagalama tashan iyada iyo cid qoyskeeda ah taas oo noqtay wax aan caqligal ahayn, sidaa darteed qoyskeedu wax fikrad ah kama haysan tabarucaadkaas inantooda illaa weriye Rebecca Skloot ay 50 sano kadib dib ubaadhay DNA-geeda oo sheeko ka samaysay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this