Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalabka cusub oo Maskaxda lagu rakibo si loo ogaado in Qofka Welwel hayo,loona daweeyo oo la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qalabka cusub oo Maskaxda lagu rakibo si loo ogaado in Qofka Welwelka hayo,loona daweeyo oo la helay

Prof Katherine Scangos ayaa eegeysa xaaladda Sarah
Prof Katherine Scangos ayaa eegeysa xaaladda Sarah

Qalab yar oo elektaroonik ah ayaa ku rakiban maskaxda qof bini’aadam ah, wuxuuna ku xiriirsanyahay maskaxda , iyada oo ujeedku yahay in uu bixiyo digniin ku saabsan in qofkaas uu welwel hayo iyo in kale. Seeynisyahanada Maraykanka ayaa aaminsan in qalabkani yahay mid natiijo fiican oo dhanka caafimaadka ah horseedi kara.

Sarah, oo 36 jir ah, ayaa qalabkan lagu rakibay in ka badan hal sano ka hor waxayna sheegtay inay nolosheeda wax badan ay iska badaleen.

Qalabkan la’eg baakada taraqa ayaa ah mid markasta daaran, balse wuxuu farriimo gunjin oo kale ah marka uu dareemo in ay u baahantahay.

Daraasadda tijaabada ah waxaa lagu sharaxay Majaladda Nature Medicine.

Cilmi-baarayaashan, oo ka socda Jaamacadda California, San Francisco, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay tahay wax lagu degdegay in bukaannada, sida Sarah oo kale, oo ay adagtahay in walwalka laga daweeyo, balse waxa jira rejooyin badan islamarkaana tijaabooyiinka ayaa sii socon doona.

Walwelka

Sarah waa qofkii ugu horreeyey ee qaatay daaweynta tijaabada ah.

Waxaa si isdaba-joog ah loogu guuldaraystay isku dayo dhawr ah oo lagu dawaynayay gabadhan, balse hadda ayaa la heley qaabkan cusub ee loo daweyn karo, balse tijaabada ah.

Qalliinka ayaa laga yaabaa inuu u muuqdo mid laga naxo, laakiin Sarah waxay sheegtay in wax kasta oo ka qafiifin kara culeyska haystay ay ka wanaagsanyihiin mugdigii ay ku jirtay.

Sarah waxa ay sheegtay in ay ka roonaatay walwelkii hayay
Sarah waxa ay sheegtay in ay ka roonaatay walwelkii hayay

“Waxaan ka daalay dhammaan waxyaabihii kala duwanaa ee suurtogalka ay ahayd in la igu daaweeyo”.

“Nolosheyda maalinlaha ah ayaa noqotay mid xaddidan. Waxaan dareemay jirdil maalin kasta. Mararka qaar xitaa dhaqdhaqaaq badan ma samayn jirin”.

Qalliinku ayaa waxaa u ahaa godad yar oo madaxa laga duleeliyay si loogu rakibo fiilooyinka la socon lahaa oo kicin lahaa maskaxdeeda.

Sanduuqa yar, oo ay ku jiraan batteriga iyo matoorka garaaca wadnaha, ayaa la geliyay lafta, timaha hoostooda.

Qalliinkan wuxuu qaatay maalin shaqo oo buuxda waxaana lagu sameeyay Sarah iyada gabi ahaanba suuxsan, taasoo la micno ah in Sarah ay suuxsanayd intii uu qalliinku socday.

Sarah waxay sheegtay in markii ay soo toostay, ay farxad dareentay.

“Markii ugu horraysay ee qalabkan madaxa la iga galiyay la daaray, noloshaydu si degdeg ah ayay kor ugu kacday. Noloshaydu mar kale farxad ayaan dareemay,” ayay tiri Sarah.

“Dhowr toddobaad gudahood, fikirkii ahaa in aan is dilo meesha wuu ka baxay,” ayay intaa ku dartay.

“Markii aan ku jiray xaaladda isku buuqa iyo walwelka waxa kaliya ee aan arkay wuxuu ahaa wax fool xun.”

Sanad kadib, Sarah weli way caafimaad qabtaa, wax saamayn ahna kuma yeelan qalabka madaxeeda lagu rakibay.

 

“Qalabkan wuxuu iga reebay walwelkaa, taas oo ii oggolaanaysa inaan ku laabto noolasheydii fiicneyd oo aan dib u dhiso nolol mudan in la noolaado.”ayay intaa ku dartay.

Qaabka uu qalabkan u shaqeeyo

Cilmi -baare Dr Katherine Scangos, oo ah dhakhtarka dhimirka ee jaamacadda, ayaa sheegtay in hal -abuurnimada ay suurtogal ka dhigtay in la helo “wareegyada walwalka” ee maskaxda Sarah.

“Waxaan helnay hal goob, oo ah aag la yiraahdo ventral striatum, halkaas oo kicinteeda ay si joogto ah meesha uga saarto dareenkeeda niyad -jabka.

“Waxaan sidoo kale ka helnay aagga dhaqdhaqaaqa maskaxda ee la yiraahdo amygdala oo saadaalin karta goorta astaamaheeda ay aad u daran yihiin.”

Saynisyahannadu waxay leeyihiin cilmi baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo tijaabiyo daaweynta tijaabada ah oo loo go’aamiyo inay caawin karto dad badan oo qaba wal-walka iyo isku buuqa.

Daaweyn shakhsiyeed

Dr Scangos, oo diiwaangeliyay laba bukaan oo kale oo ku jira tijaabada oo rajaynaya inay qoraan 9 kale, ayaa tiri: “Waxaan u baahan nahay inaan eegno sida wareegyadaasi u kala duwan yihiin marka bukaannada loo eego oo aan marar badan ku celceliyo shaqadan.

“Waxaan u baahanahay inaan aragno in qofka taariikh -nololeedka ama wareegga maskaxda uu is -beddelo waqti ka dib markii daweyntu sii socoto,” ayay intaa ku dartay.

Dr Edward Chang, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka neerfayaasha islamarkana qalabkan ku rakibay madaxa Sarah, ayaa yiri: “Si aan u caddeeyo, tani maahan mid muujineysa wax ku oolnimada dhameystiran.

Prof Jonathan Roiser, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga neerfaha ee Jaamacadda College London ee UK, ayaa isna yiri: “In kasta oo habkan qalliinka ah ee sida aadka ah loogu soo duulay waligiis loo adeegsan doono bukaannada aadka u daran ee leh astaamaha aan laga bogsan karin, haddana waa tallaabo xiiso leh oo horay loo qaaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this