Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul cusub oo loo doortay degmada Qandala

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamul cusub ayaa loo dhisay degmada Qandala ee Gobolka Bari kadib markii ay halkaas  gaareen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Gole degaan oo ka kooban 27 xubnood oo loo dhisay degmada Qandala ayaa doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas.

Guddoomiyaha degmada waxa loo doortay Axmed Yuusuf Maxamed ()Khuurshe) halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed Jaamac Muuse Caddaysay.

Doorashada ayaa ku dhacday habka gacantaaga ah Kadib markii ay tanaasuleen mashuraxiintii la tartamayey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka.

PUNTLAND POST

The post Maamul cusub oo loo doortay degmada Qandala appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this