Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu salka ku hayaa weerarka lagu qaaday Taliye Degelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa weerar xalay lagu qaaday hoyga uu caasimadda Garoowe ka deganyahay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Dabley hubaysan ayaa saqdii dhexe ee xalay weerartay guriga Taliyaha Qaybta G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle) inkastoo aysan wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas.

Dadweynaha magaalada qaarkood ayaa hurdada kaga toosay Rasaasta ka dhacaysay guriga Taliyaha oo ku yaal xaafadda 1-da Agoosto ee Garoowe.

Wararku waxay sheegayaan in arrintan ka dhalatay kadib markii Booliisku xiray nin kamid ah laba dhinac oo ku muransan arrima dhuleed.

Waxa xusid mudan in aan xiriir la samaynay Taliyaha Qaybta iyo Saraakiisha kale ee Booliiska Garoowe balse aysan weli suurta-gelin in ay war naga siiyaan dhacdadaas.

PUNTLAND POST

The post Muxuu salka ku hayaa weerarka lagu qaaday Taliye Degelle? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this