Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda NISA oo sheegtay in Yaasiin Faray xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa waxa saaka la wareegay G/sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin Faray, sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA.

Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.” Ayaa lagu yiri warkaas.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay sheegay in uu Yaasiin Faray u magacaabay Agaasimaha ku meel gaar ah ee NISA, kadib markii uu xilka iska casilay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo uu horay shaqada uga joojiyay Ra’iisul wasaare Rooble.

Balse, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka horymid magacaabidda Yaasiin Faray wuxuuna sheegay in xilka hay’adda lagu wareejin doono S/Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo isagu magacaabay.

NISA.webp

PUNTLAND POST

The post Hay’adda NISA oo sheegtay in Yaasiin Faray xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this