Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar xoog ku soo furatay taliyahoodii oo xabsiga ku jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Askar xoog ku soo furatay taliyahoodii oo xabsiga ku jiray

.

Booliska la dagaalanaka Argagixisada ee Maali ayaa si weyn loo dhaleeceeyay ka dib markii ciidamo hubeysan ay xoog ku galeen xabsiga si ay u soo furtaan taliyahooda. Waxaana u suuro gashay in loo sii daayo.

Ilaa haatan macadda sida saxda ee loo soo daayay Oumar Samake. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaalada xabsiga ay dhinac u istaageen markii ay askartaan ku dhaqaaqeen falkan inkastoo dadka qaarna ay sheegayaan in sii deyntiisa ay amartay dowladda si uusan iska hor imaad u dhicin.

Taliye Samake ayaa lagu eedeeyay dambi dil oo la xiriira dhimashada ugu yaraan 14 qof oo ka mid dibadbaxayaashii dowladda looga soo horjeeday ee Maali ka dhacay bishii July ee 2020-kii.

Dowladda cusub ee Maali ayaa cambaareeysay ficilka ay ku dhaqaaqeen ciidamada ku labisan dareeska askarta ee hubeysan kuwaas oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada. Waxaa sidaasi lagu sheegay warbixin laga sii daayay Telfishinka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Maali ayaa sheegtay in ay aad uga naxday ficilkaasi waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ka soo horjeeda sharciga dalka.

Waxay hay’addu sheegtay in rasaas ay ku fureen magaalada Bomako ka hor inta aysan u jahayesan dhanka xabsiga dhexe ee magaalada halkaas oo taliyahooda Samake lagu xiray saacada ka hor falkaasi.

Ciidamada gaarka ah ayaa waxaa soo tababaray Midowga Yurub iyo Mareykanka si ay uga caawiyaan la dagaalanka koxaha jihaad doonka ah ee ka dagaalama Maali.

 

Qarmada Midoobay iyo Faransiiska ayaa waxaa Maali ka joga kummaanaan ciidan oo la dagaalamaya urururada hubeysan ee jihaad doonka ah.

Hase yeeshe khalaalaase ayaa ka dhacay dalkaasi sannadkii tagay ka dib markii ay ka dhaceen laba afagambi milatari.

Qoraalka Muuqaalka,.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this