Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-Faahinno Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Xildhibaano Xalay Lagu Weeraray Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bambo gacmeed lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyay Saddex xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay bambo gacmeedka lagu weeraray guri ay degaanaayeen oo ku yaalla magaalada Jowhar.

Xildhibaanad ayaa la sheegay in hadda xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla gudaha magaalada Jorhaw.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kadib markii uu dhacay weerarka ay rasaas fureen ciidamada Ilaalada u ahaa xildhibaanada.

Maamulka magaalada iyo kan dowlad gobaleedka Hirshabeelle illa iyo hadda kama hadlin weerarkan xalay lagu qaaday xildhibaanada ka tirsa baarlamaanka dowlad gobaleedkaas.

Goobjoog 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this