Sign in to follow this  
Deeq A.

Afduub ‘aargudasho ah’ oo la xiriira dilka Ikraan Tahliil oo ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Dabley hubeysan oo ka gadoodsan dilka Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda nabadsugida ee NISA ayaa goordhoweyd magaalada Beledweyne ka sameeyey afduub aargudasho ah oo loo gaystay wiil dhallinyaro ah, oo aan wax dambi ah galin.

Wiilka dhalinyarada oo lagu magacaabo Cabdiqafaar Xaaji Cumar ayaa waxay dableydu ka afduubteen xaafada howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana si weyn baraha bulshada ugu faafay muuqaal ay dableyda kasoo duubeen Cabdiqafaar.

Sida laga dheehan karayey muuqaalkaas, Dableyda oo cago-jugleyn xoog leh ku haya Cabdiqafaar oo asagu afkiisa ka qiranaya inuu kasoo jeedo beesha taliyaha NISA Fahad Yaasiin ee Reer Aw Xasan, gaar ahaan reer Aw Mahdi.

Dableydan ayaa sheegay inay muddo ka warsugayeen xaalada Ikraan, kadibna markii ay xalay shaacisay NISA geerideeda iyo inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, ay ka aarsan doonaan jifada Taliyaha NISA, sida ay sheegen.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisada ka dhalatay dilka Ikraan oo hay’adda nabadsugida ee NISA ay sheegtay inay dishay Al-Shabaab, hase yeeshe mas’uul u hadlay kooxdaas ay iska fogeeyen dilkaas, oo sida uu sheegay laga been abuurtay.

Falka lagula kacay Cabdifataax ayaa ah mid aad u xun, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu albaabka u furo dhib loo gaysto dad aan waxba galabsan, oo loo waxyeeleynayo dhibaato lagu tuhmayo shaqsiyaad ka tirsan dowladda.

The post Afduub ‘aargudasho ah’ oo la xiriira dilka Ikraan Tahliil oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this