Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay  askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxda hubaysan ay degmada Kaaraan ku dileen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay  Axmed-deey Gadaf iyo Sakariye Cali Aaden.

Kooxdii dilka fulisay ayaa midkood goobta lagu toogtay halka intii kalena carartay sida wararku sheegayaan.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka loo gaystay labadaas marxuum eek a tirsanaa ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST

The post Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this