Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka ninkii weerarka ku gelelefay Safaarada France ku leedahay Tanzania oo lagu aasay Daresalaam

Recommended Posts

Deeq A.   

Meydka ninkii weerarka ku gelelefay Safaarada France ku leedahay Tanzania oo lagu aasay Daresalaam

 tanzania-2.jpg

Meydka Xamsa Maxammed, oo ku dhintay is -rasaaseyn dhexmartay booliska iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda.

Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Mamuur ee Upanga ee Dar es Salaam halkaas oo loogu tukaday salaadda Janaasada.

Sida uu qoray wargeyska Mwananchi, meydka ayaa markii hore la filayay in la aaso 7 -da fiidnimo balse afhayeenka qoyska Abdulrahm Hassan ayaa sheegay in meydka uu dib u dhacay sababo la xiriira baarista kiiska.

Afar qof ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen isbuucii la soo dhaafay is rasaaseyn ka dhacday isgoyska waddooyinka Kenyatta iyo Kinondoni oo u dhow Safaaradda Faransiiska ee Daarusalaam.

Madaxa howlgallada booliska, Liberatus Sabas, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in aan la ogeyn ujeeddada uu lahaa nink weerarka geystay.

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this