Sign in to follow this  
Deeq A.

Somgas: Taariikhda Shirkadda Somgas iyo Sababta loo Aas-aasay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Somgas Somaliland waxa ay shaqada bilawday 2009, iyadoo ujeedkeeda ugu wayni ahaa badbaadinta deegaanka iyo soo kordhinta adeegyadda caalamiga ah ee dhuxusha looga maarmayo.

Markii ay shirkadda Telesom Aragtay xaalufinta ka socda Somaliland waxay u fikirtay innay abuurto Shirkadda Somgas Company si ay wax uga qabato deegaankan la xaalufmay, dhirtan la googooyay iyo nabaad guurka ilaa imika jira, Intii ay Somgas waddanka ka bilawday Gaasta cuntadda waxa badbaaday malaayiin geed oo la jari jiray.

Waxaa hoos u dhac wayni ku yimid dhuxushii iyo dhirtii qoyanayd ee la jari jiray, waxa hoos u dhacay isbeddel dareemay Wasaaraddii Horumarinta deegaanka oo Ciidankii badnaa iyo kharashkii badnaa ka dhinmay.

Shirkada Somgas oo kamida Shirkadda Telesom waxay hal abuurtay Baahi wayn oo loo qabay in deegaanku badbaado dadkuna ka raystaan Dambaskii iyo qiiqii joogtadda ahaa.

Mar aan wax ka waydiiyey Maamulaha Guud ee Shirkadda Somgas Sheekh Cabdiraxmaan Shaqale wuxuu ii sheegay innay markasta kor u qaadayaan Adeegyadda ay bixiyaan guud ahaan dalka oo dhan oo ay isbedel u taagan yihiin isagoo carabaabay innay keeneen Haamo si fudud looga dhex arki karo Gaasta ku jirta sidoo kalena ay wadaan Qorshayaal Geeska Africa oo dhan lagu gaadhsiinayo Gaaska Somgas.

Shirkadda Somgas ayaa imika Gaasta Gaadhsiisa waddamadda aan jaarka nahay ee Putland iyo Somaliya.

Shirkadda Somgas waxay xarumo waaweyn ku leedahay dalka oo dhan, waxay abuurtay shaqo abuur, waxay keentay farsamooyinkii Gaasta oo si casri ah laguugu rakibayo gurigaaga, Huteelkaaga iyo ganacsigaagaba.

Xalka kaliya ee u baahan in Somgas qorshaha ku darsato waa sidii Dadkii dhuxusha ka ganacsan jiray ee miyiga camal ay kaga maarmaan loogu sameyn lahaa.

Ujeedka guud ee Somgas waa badbaadinta deegaanka iyo la talaabsiga casriga caalamka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this