Sign in to follow this  
Wiilo

Tijaabada Reer Galbeeydka Iyo Daciifnimada Muslimiinta:

Recommended Posts

Wiilo   

Runtii waa arrin cajaa'ib ah, bal maxay idinla tahay arrintan?

 

 

Dowladad Sucuudiga oo laga dalbaday in ay joojiso sannadkan Gudashada Xajka

 

Shabakada Islamic Online ayaa qortay in wadamad Yurub iyo Mareykanka ay Dowladda Sucuudiga ka dalbadeen in sanadkaan la joojiyo Xajka oo la filayo in ay isugu tagaan in ka badan 3-malyan oo qof oo ka kala imaaneysa daafaha caalamka.

 

Dalabkaan ayaa waxa uu ku yimid mar ay shir isugu yimaadeen Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga Dowladahauu dhibaatada ku hayo cudurka Hargabka Shimbiraha, waxaana shirkasi lagu sheegay in wadamada Aasiya ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu arkay Hargabka Shimbiraha, kuwaasoo laa filayo in ay tagaan sanadkaan xajka, waxayna Dowladaha Yurub iyo Mareykanka ay sheegeen in cudurkaasi uu keeni karo in dad fara badan ay u dhintaan marka ay isugu yimaadaan Xajka.

 

Wasiirka Xajka iyo Arimaha Ow-Qaafta ee Sacuudiga Amiir Xaamid ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Sucuudiga iyadu ay leedahay go’aanka daryeelka dadka xajka u imaanaya dalka Sucuudiga, balse aysan go’aankaasi lahaan karin dad shisheeye ah, waxa kalloo uu sheegay in Dowladda Sucuudiga ay mar hore diyaargarow u gashay ka hortaga cudurkaasi, waxayna ka dalbatay wadamada uu ka jiro hargabka Shimibiraha in ay soo talaalaan Xujeydooda.

 

Mas’uul ka tirsan Jaamacadda Al-Azar ayaa waxa uu sheegay in arinta ka soo yeertay wadamada Yurub iyo Mareykanka ay tahay mid loogu gafayo diinta Islaamka isla markaana lagu tijaabinayo wadamada Islaamka, isagoo sheegay in arrintu ay ka weyn tahay cudurka ku dhaca shimbiraha,oo ujeedo ku qarsoon tahay waxaa kalloo uu sheegay in cuduro ka qatarsan cudurkaas ay horey u soo mareen Xajka, balse ay Dowladda Sucuudigu si wanaagsan uga hortagtay.

 

“Rukniga Xajka waa mid waajib ah, waxa uuna waajib ku yahay cid kasta oo awooda, Dowladda Sucuudigana awood uma lahan in ay dib u dhigto ruknigaasi†ayuu yiri Mas’uulkaas.

 

Qoraalkan waxaa laga leeyahay Somalitalk.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Simply_I   

Manshallah!!

That was a very good article thanks for posting.

 

Hergabka shimbiraha.......makes me laugh!!

Have you ever seen shimbir qofaceyso?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Walaal arintani ma hagaagsana . Waxayna kalifeysaa dad baddan oo soo qorsheystay sanadkan iney soo xejiyaan in loo diido xajkooda. Lakin waxan u maleynayaa in xanibaadani ku eg tahey dalalka Aasiya.

 

Laakiin caafimaad ahaan marka la fiiriyo, ma xuma in baaritaan caafimaad la sameeyo qof alle qofkii uu soo duuli lahaa dalka Sacuudiga from Asia. Hase ahaatee waxaa laga yaabaa in qarash baddan suurta gal ka dhigeyso arintaas, lana awoodi karin. Marka waxaa macquul noqoneysaa in la joojiyo gebi ahaantiis.

 

Haday Sacuudiga ogolaadaan arintani, waxan u maleynaya ineysan xumeeyn, ogowna in arintani aysan aheen Siyaasad ama Faragelin lagu sameynayo Muslimiinta, waa uun Tallo caafimaad.

 

 

Waad i saxi kartaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this