Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Markii laguu taliyo...

Recommended Posts

...sidaanoo kale ayaa dhacdo. Dad aanan bixin karin shilimaanta yar ku baxeyso xulashada ayaa rabo inay dal maamulaan. Lacag kale ay jeebkoda ku shubtaana wey rabaan.

Diidmada beesha caalamka oo caqabad lama filaan ah ku noqotay doorashada dalka

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa illaa hadda diidan inay soo dhameystiraan dhaqaalihii doorashada qeybtii laga sugayey, xili ay gobolada qaar soo dhameystireen doorashada Aqalka Sare, taasi oo horseedi karta dib u dhac.

Beesha caalamka ayaa bixisay kaliya 7.2 milyan oo dollar oo ka mid ah 32-ka milyan ee ku baxaya dhaqaalaha doorashada, ayada oo ka cago jiideysa lacagta kale ee harsan oo gaareysa 25 milyan oo dollar.

Beesha Caalamka oo dadaal badan ku bixisay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada ogol ah, ayaa xiligan la rumeysan yahay inay rabto in taageeradeeda dhaqaale ku bixiso doorasho ay ku qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda oo dhan.

Shirkii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ajendihiisa qeyb ka aheyd sidii loo heli lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ee doorashada, ayada oo maanta madaxdaas kulan la qaateen Wakiiladda beesha caalamka.

Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii beesha caalamka looga heli lahaa dhaqaalaha doorashada qeybtooda, ayada oo saaxiibada dalalka caalamka ay iska ilaalinaya ku deg-dega bixinta lacagtaas, ilaa inta saamileyda siyaasadda doorashadu si isku mid ah ugu qancayaan hanaanka doorashada.

Mid ka mid ah shuruudaha beesha caalamka ayaa ah in marka hore la dhameeyo doorashada Aqalka Sare, lana guda galo midda golaha shacabka, markaasi oo ay fasixi doonto lacagaha kale ee harsan.

Hase yeeshee, madax goboleedyada iyo dowladda ayaa ka cabsi qaba in haddii ay guda galaan doorashada golaha shacabka, laga yaabo in lacagtaas ay ka sugayaan beesha caalamka aysan iman, oo ay qasab ku noqoto inay ayaga bixiyaan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in dhaqaalaha laga sugayo Beesha Caalamka ay sii fogeyn karto khilaafka siyaasadeed ee ka billowday habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo Golahu isku dayayo hoos u dhigistiisa.

Si kastaba, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay taageeradooda horseed u noqoto doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo, taasi oo xiligan dib u sii dhigi karta helista dhaqaalaha laga sugayo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
3 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Beesha caalamka ayaa bixisay kaliya 7.2 milyan oo dollar oo ka mid ah 32-ka milyan ee ku baxaya dhaqaalaha doorashada, ayada oo ka cago jiideysa lacagta kale ee harsan oo gaareysa 25 milyan oo dollar.

Do the election cost 32 million shilling or dollars? 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
7 hours ago, Arafaat said:

Do the election cost 32 million shilling or dollars? 

Does these lunatics in Mogadishu think money grows from the tree?

What does it cost bringing those appointed from the parliament to Mogadishu? The whole thing shouldn't be even two millions. The Somaliland election which was one person one vote cost around 13 million if I am not mistaken.

This weak prime minister should hold the election soon, and stop flying around.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 8/25/2021 at 10:58 AM, Arafaat said:

Do the election cost 32 million shilling or dollars? 

Shilin yaa wax ku xisaabiyo. Waa doolar ee rabaan jeebabkooda ku shubtaan, that is why they keep delaying the selections expecting Beesha Caalamka to pre-pay. Sheekadaas waa laga diiday and they keep delating it. Sharafxumo waaye, tuugsi aanan dhamaaneynin. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.