Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin iska dhigay Naag si uu imtixaan ugu galo Saaxiibtii oo Fashilmay lana qabtay !

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin iska dhigay Naag si uu imtixaan ugu galo Saaxiibtii oo Fashilmay lana qabtay !

Dalka Senegal waxaa ka dhacay sheeko hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, kadib markii nin dhalinyaro ah isku dayay in uu iska dhigo Gabar si uu imtixaan ku adkaa saaxiib ugu galo.

Khadim Mboup, oo ah arday wax ka dhigta Jaamacad ayaa ku fashilmay qorshihiisa lana qabtay xili uu doonayay in imtixaanka luqada Ingiriiska ah u galo gabar ay saaxiibo ahaayeen oo sidaas ka codsatay.

Baraha bulshada dalka Senegal ayaana si weyn loogu baahiyay sawirada Khadim oo 22-sano jir ah oo xirnaa dharka dumarka gaar ahaan dhar gaduudan iyo qamaarka dumarka xirtaan si dumar loogu maleeyo.

khadim-1024x576.jpg

Ardayga ku fashilmay qorshihiisa ayaa sheegay in sababta uu ugu dhaqaaqay tallaabadaas uu dumarka isaga dhigay ay aheyd in saaxibtii ay ku adkeyd luqadda Ingiriiska sidaa darteed uu doonayay in isagu u galo imtixaanka.

Wiilkan gabadha iska dhigay iyo saaxiibtiisa qorshahan ka dambeesay ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana lamaanahan loo heestaa dacwad la xariirta qiyaano iyo wax isdabamarin dhanka imtixaanaadka ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this