Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo “Xiriirka Kubad Cagyaraha Iyo Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya Waan In Ay Wada Shaqeeyaan”

Recommended Posts

Deeq A.   
Falanqeeyaasha kala ah Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo iyo Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha ee SOMFA,iyagoo soo jeediyay in Xiriirka Kubad Cagyaraha iyo Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya ay kawada shaqeeyaan horomarintan iyo guulaha kubbadda cagta gudaha iyo dibadda.
Sequence-460.00_10_00_21.Still002-1024x7
“Xiriirka Kubad Cagyaraha oo guul gaara, waa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo horomar gaara, labada xiriir waa mataano waxaan loo baahan yahay in ay is taageeraan oo ay kawada shaqeeyaan horomarinta kubbadda cagta gudaha iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo.
MVI_8153.MOV.13_12_51_08.Still002-1024x5
Xiriirka Kubad Cagyaraha waxaa Soomaaliya la aas aasay sanadii 2015, wuxuuna hoos tagaa Xiriirka Kubad Cagyaraha Caalamka iyo kan qaarada Afrika, halka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo dhisanyahay tan 1951 wuxuuna ka mid yahay Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA, kan Qaarada Afrika ee CAF  iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Qaarada Afrika ee CECAFA, waxayna labada Xiriir Soomaaliya ku matalaan dhacdooyin ciyaareed iyo shirar caalami ah oo ka dhaca dalalka caalamka.
Sequence-459.00_04_48_00.Still007-1024x7
“Da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad Cagyaraha waa mid ku dayasho mudan, waxayn fursad weyn siiyeen ciyaartyooydii hore dalka oo qeyb ka ah horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha, waxaan ka sugaynaa intaas iyo ka badann “ ayuu Goobjoog Sports  u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur.

MVI_0463.MOV.20_17_59_01.Still002-1024x5

Gudoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa goor hore sidan u sheegay Goobjoog Sports “Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Xiriirka Kubad Cagyaraha waa labo xiriir oo mataano ah ma jiraan wax khilaaf oo ka dhaxeeya labad dhinac ,balse SOMFA waxay diyaar u tahay in ay xaliso wixii dhibaatooyinka jira, waxayna diyaar u tahay wadahadal iyo horomarin”.

2Z2A9989.MOV.19_25_05_14.Still001-1024x5

Daawo Falanqeynta Kismaayo iyo Daguur

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Waa Lawada Lee Yahay”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this