Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxooti gaaraya 80 Qoys oo soo gaaray magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
4-12.jpg?resize=960%2C614&ssl=1

Magaalada Boosaaso, waxa xalay soo gaaray Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso ay xalay soo gaareen, dadkan oo ka kooban Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqday.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ,ayaa dekedda ku soo dhoweeyay dadkan oo gaaraya 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana loo gudbiyay Xarunta qaabiladda Qaxootiga ee Boosaaso.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Boosaaso ku soo qul-qulayay Qaxooti Yemeniyiin ah  iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi Yemen.

PUNTLAND POST

The post Qaxooti gaaraya 80 Qoys oo soo gaaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this