Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia : Dadweynaha Oo Saaka U Dareeraya Goobaha Codbixinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka oo Isniin ah dadka ku nool dalka Itoobiya u dareeren goobaha codbixinta si ay u soocodeeyan doorashooyinka heer federaal iyo heer deegaan ee dalka Itoobiya .

45 xisbi ayaa ku loo lamaya kuraasta golaha wakiilada heer federaal iyo mid deegaan ee dalka Itoobiya, waxaana xisbiyaadaas ku jira xisbiga talada dalka Itoobiya hayo.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 37.4 Million oo qof ayaa isdiiwaan gelisay kuwaas oo saaka safaf dhaadheer u galaya goobaha codixinta si ay codadkooda u dhiibtaan .

Musharixiinta sanadkaan u tartamaya kuraasta golaha wakiilada heer federaal iyo heer deegaan ayaa gaaraya illa iyo 9,327  musharax.

1,976 ka mid ah musharixiinta ayaana dumar ah halka 7,351 ee kale ay yihiin rag .

Doorashada Itoobiya ayaana ah middii lixaad ee dalka Itoobiya ka dhacda, xilli ay mudda dhowr jeer oo horay ay doorashada dib uga dhacday waqtigeeda.

Goobjoog 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this