Sign in to follow this  
Deeq A.

“Codka Aan U Hayno Gudoomiye Khaliif Ma Jiro Cadad Lacageed Oo Goyn Karaa…” Xildhibaan Maxamed Abiib

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xildhibaannada cusub ee golaha wakillada Somaliland ayaa ka hadlay doorashada shirguddoonka cusub golaha wakiillada waxaanu yidhi sidan tan:

“Codka aan u hayno Gudoomiye khaliif Ma jiro cadad lacageed oo goyn karaa.

Khaliif waa 50 jir iska xajin kara Doodaha iyo Dareenada kala duwan ee ay kala xambaarsan yihiin 82 xildhibaan ee kasoo kala baxay gobalada kala duwan iyo xisbiyada kala duwan waxanan filayaa inuu yahay qofka kaliya ee iswaafajin kara kala duwanaanta Afkaarta  ragaa mudanayaasha ah.

Isbaahaysiga labada xisbi intayada waddani isagaan gaysanay ucidna waxay leedahay labada ku xigeen.

Isbaahaysigana waxa budhig u ah Gudoomiye faysal Cali waraabe

52 xildhibaan ayaan nahay isku darka mudanayaasha labada xisbi hadii kulmiye xaataa 10 helo 42 waa ku filan yihiin in shirgudoonka goluhu noqdo mucaaradka

Ujeedadayadu maaha ku xumayn ka dhan ah xukuumada iyo kulmiye ee waa in la gaadho isbadalkii shacabku kalsoonida ku siiyay murashixiintii macaaradka

Dalka iyo dadkuna  waa inay helaan siyaasad is dheeli tiraysa si isla xisaabtan buuxa loo gaadho  loogana guuro awood dhinac kaliya ah oo waxay doonto samaysa taasoo dalka waxbadan yeeshay

#Khaliif2021.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this