Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo magacaabaya xilal wasiiro bannaan iyo shakhsiyaadka la saadaalinayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=960%2C534&ssl=1


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda buuxiyo xilal wasiiro oo muddo ka bannaan xukuumadiisa.

Xilalka wasiirnimo ee madaxweyne Deni buuxin doono ayaa kala ah Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada oo bishii May ee sanadkii hore uu ka geeriyooday Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda oo bishii December ee sanadkii hore uu iska casilay Maxamuud Xaaji Saalax.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay la-tashiyadii ugu danbeeyay la sameynayay beelaha ay ka iman doonaan wasiiradda cusub.

Shakhsiyaadka loo saadaalinayo in midkood loo magacaabo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda waxaa ka mid ah sida aan xog ku helnay Axmed Yuusuf Maxmed oo ka tirsan shirkadda Golis oo ay riixayaan saaxiibada madaxweyne Deni iyo nin lagu magacaabo Maxamuud Yuusuf oo madax ka ah mid ka mid ah hay’adda caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, kaas oo isagana ay wadaan xildhibaanno iyo odayaal dhaqan oo ka soo jeeda gobolka Gardafuu, sidoo kale ragga xilkan raadinaya waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu soo koobay Faarax oo qurbe-jooga, inkastoo isagu ka fursad yar yahay dhinacyada kale, siday xogtu sheegayso.

Dhanka kale Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada ayay u badan tahay in loo magacaabo Prof. Maxamed Diiriye Gama’diid oo ay wada dhasheen wasiirkii geeriyooday, kaas oo taageero ka haysta xildhibaannada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Ceyn.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo magacaabaya xilal wasiiro bannaan iyo shakhsiyaadka la saadaalinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this