Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Faransiiska oo wejiga laga dhirbaaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska oo wejiga laga dhirbaaxay

macron.jpg

Laba nin ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wejiga ka dharbaaxay, sida wararku sheegayaan.

Muuqaal dhex wareegaya baraha bulshada waxaa la arkay madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme.

Ka dib nin ayaa wejiga ka dharbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta. Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay.

Labo Nin ayaa dhacdadaas loo xiray ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan.

Markii dharbaaxada ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay “ha dhoco macron”.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen.

Hoggaamiyaha Midigta-Fog, Jean-Luc Mélenchon, wuxuu Twitter-kiisa soo dhigay “inuu u damqaday madaxweynaha” isla markii ay dharbaaxada ku dhacday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this