Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax aan aaminsanahay in Abdikariin Ahmed Mooge yahay shaqsiga ku haboon maayarka Hargeisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Abdikariin Ahmed Mooge waxa aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga saxda ah ee  lagu aamini karo in uu noqdo maayarka caasimada Somaliland ee Hargeisa oo u baahan isbedel xoogan oo dhanwalba leh.

Shaqsiyan anigu kuma taageeraayo qolo ama xisbi ee waxa aan aaminsanahay in uu yahay shaqsi qaban kara shaqada aynu ka rabno’ inkasta oo ay jiraan rag fiican oo aqoon leh oo golaha soo baxay kula jiraa hadana waxa haboon in aan wada aamino xildhibaan Abdikariin Ahmed Mooge isla markaasina aan la xisaabtano marka uu maayar ahaado wakhti haboon arinkaasi oo uu diyaar u yahay.

Taasi oo aan ku kalsoonahay in uu yahay shaqsi soo celin kara hanaankii dawlada hoose ee caasimada oo in mudo ahba sii degaayay, arinkaasi ma aha mid aan kaligay aaminsanahay ee waa mid guud ahaan shicibka caasimadu aaminsanyahay mana haboona in maanta xilka maayarnimada iyo ku xigeenkiisa lagu doorto ardaayo, xaafado ama qabyaalad taasi oo aynu soo aragnay dhaxljeediina maanta la hayo

 

 

Mohamed Jama

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this