Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo hal arrin faray DF iyo Maamul Goboleedyada kadib heshiiskii Shalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso heshiiska ay gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada Shalay oo ay taariikhdu aheyd 27 May si uu dalka u galo doorasho baarlamaan iyo mid madaxweynimo.

” Mareykanka wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii 27-kii May ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya si loogu sii ambaqaado doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17, 2020″ ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaalka uu Ra’isulwasaare Rooble ku bixiyey in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, wuxuuna mareykanka ugu baaqay dhinacyada heshiiska saxiiday inay ilaaliyaan qodobada lagu heshiiyey iyo tanaasulkii la sameeyey todobaadkii uu socday wadahadalka.

” Waxaan dhinacyada ku bogaadineynaa inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqan fullinta heshiiska, maadaama doorasho nabadgalyo ah, loo dhan yahay, xor ah oo dhacdo waqtiga ugu haboon ay qeyb ka qaadaneyso inay Soomaaliya kusi socoto wadadeeda nabadda iyo barwaaqada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Ugu dambeyntii bayaanka kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ku saabsan hirgalinta Qaabkii doorashada ee 17ka Sebtembar taasoo ka dhalatay shirkii shirkii uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Gud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo qabashada hanaan doorasho oo la oggol yahay oo hufan oo aan dib-u-dhac dambe ku imaan.

The post Mareykanka oo hal arrin faray DF iyo Maamul Goboleedyada kadib heshiiskii Shalay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this