Deeq A. Posted May 25, 2021 Cabdixakiin Xigis oo ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay lagu toogtay hoygiisa dhaxdiisa. Dilka oo sida la sheegay loo adeegsaday qori ayaa waxaa geysatay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah. Dilka kadib ayey wacday booliska, isla markaana isku dhiibtay ayada oo booliska ay wadaan baritaanno la xariira sababta ka dambeysay dilka ay saygeeda u geystay. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika. PUNTLAND POST The post Wiil Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites