Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan SOLTELCO Oo Hoggaaminaya Maayirrada La Saadaalinayo In Mar Kale Dib Loogu Doorto Xilka Maayirnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Muddo toban maalmood ah ayaa ka hadhsan doorashooyinka muddada dheer la sugayay ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxaana marba marka ka sii dambaysa sii xoogaysanaya tartan loogu jiro hanashada kuraasta xildhibaanimo ee labadaasi golle.

Iyada oo aan wali si rasmi ah u bilaamin ololaha doorashooyinka ayaa haddana waxa ay murrashaxiintu diyaariysadeen qorsheyaashii ay ku hanan lahaayeen kuraasta ay u ordayaan.

Xildhibaannada u tartamaya dawladaha hoose ee dalka qaarkood ayaa difaacanaya kursigii ay hore ugu fadhiyeen halka kuwo kalena ay tartan adag u gelayaan in markii ugu horraysay noqdaan xildhibaanno.

Maayirrada magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa la filayaan inay mar kale ku guulaystaan xilka ay hore u hayeen, waxaana ka mid ah maayiradda gucle orodka ugu jira in mar kale loo doorto xilka guddoomiyeyaasha degmooyinka Maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, Maayarka degmada Ceerigabo Ismaciil Xaaji Nuur oo muddo ka badan 19 sanno soo ahaa Maayarka Ceerigaabo, Maayirka degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi.

Dadka ka faallooda siyaasada Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maayirrada Hargeysa iyo Berbera ay ugu cadcad yihiin maayirrada doonaya in mar kale la doorto xilalkan ay hore u hayeen, iyaga oo sabab uga dhigaya marka loo eego arrimo ay ka mid yihiin barnaamijyada waxqabad ee ay soo bandhigeen, xisbi xaakimka oo ay ka sharraxan yihiin iyo qaabka ay u diyaarsadeen ololahooda iyo abaabulka ka muuqda.

Waa markii saddexaad ee Somaliland laga qabanayo doorashooyinka golleyaasha deegaan, Markii ugu horreysay waxay ahayd 15 December ee sannadkii 2002. Sidoo kale 2012-kii ayaa ugu dambeysay oo la doortay goleyaashan.

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ayaa la filayaa inay ku soo dhammaan doonaan jewi nabadgalyo.

13307352_552412738263920_726183644757541

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this