Deeq A. Posted May 19, 2021 Laba ruux ayaa sida la xaqiijiyay ku dhintay qarax xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale. Labada qof ee dhintay iyo kan dhaawacmay ayaa la sheegay in ay wateen mooto bajaaj qaraxyo laga soo buuxiyay taas oo iyagii ku qaraxday. Lama soo werin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa waxaana laamaha Amniga Galmudug bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadaas. Sidoo kale hay’adaha Amniga Galmudug waxay xireen dad kala duwan lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin kuwii qaraxa watay. PUNTLAND POST The post Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites