Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ka laabatay heshiisyo ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay dhammaan heshiisyadii ay horey ula gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku saabsanaa in ay shaqaale Soomaaliyeed shaqo ka siin karaan dibadda.

Wareegto uu soo saaray isla markaana saxiixay Wasiiru Dowladda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Axmed Qaasim ayaa lagu sheegay in wasaaraddu baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay horey ula gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku saabsanaa in ay shaqaale Soomaaliyeed shaqo ka siin karaan dibadda una dhoofin karaan.

Wasaaradda ayaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka codsatay in aysan u ogolaan dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed loo dhoofinayo.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay sheegtay in ay dib u bixin doonto ruqsadaha cusub ee ku saabsan arrimahan.

FB_IMG_16212645930797848.jpg?resize=720% FB_IMG_16212646277100659.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post DFS oo ka laabatay heshiisyo ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this