Sign in to follow this  
Deeq A.

Gantaallo laga soo tuuray meel ka baxsan dhulka Falastiin oo Israel ku dhacay+Dalka laga soo ganay & Cida soo gantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gantaallo laga soo tuuray meel ka baxsan dhulka Falastiin oo Israel ku dhacay

.
.

Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya haleelay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciidammada difaaca Israa’iil (IDF) ay bartooda Twitter-ka ku sheegeen

Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheegeen, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faahfaahin badan raacin.Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Israel, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dhawaaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale lagama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaallada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaahinta Israel.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka dambeysay gantaalkan.

Waxaa jira dhowr kooxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo dagaal bil socday la galay Israel sanadkii 2006.

Tareennada ka baxa Tel Aviv ee taga magaalada Lod ayaa la hakiyay sababo la xidhiidha rabshadaha ku sii kordhaya magaaladan sida isku dhafka ah ay u degaan Yuhuuda iyo Carabtu, sida ay qortay warbaainta Jerusalem Post.

Israeli air defence intercepts rockets fired from Gaza

Israel ayaa xaalad deg deg ah kaga dhawaaqday magaalada Lod maalintii talaadada kadib rabshado ay sameeyeen carabta Israa’iiliyiintaah iyadoo khilaafka u dhaxeeya ciidamada Israel iyo mintidiinta Falastiiniyiinta uu sii xoogeystay.

Dibadbaxyada ay dhigayaan Carabta Israel ayaa ka dhacay Lod, oo ah magaalo u dhow Tel Aviv, wuxuuna isu rogay rabshado, iyadoo mudaaharaadayaashu ay dhagxaan ku tuurayaan booliska, kuwaas oo ku jawaabey bambooyin naxdin leh.

Mudaharaadyadu waxay daba socdeen aaskii nin Carab Israa’iili ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada maalin ka hor.

In ka badan 100 Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ayaa la dilay tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ay bilaabmeen Isniintii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas Khamiistii.

Saraakiisha ayaa sheegay in la dilay 103 qof, oo ay ku jiraan 27 carruur ah.

580 qof oo kale ayaa la dhaawacay, ayay wasaaraddu ku dartay xogtaas.

Dhanka kalena ugu yaraan toddobo qof oo reer Israa’iil ah ayaa la dilay illaa Isniintii, oo uu ku jiro hal cunug.

.
.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay u yeedheen ciidan 7,000 oo keyd ahaa isla markaana ay joojiyeen fasaxii ay aadi lahaayeen. Qiyaastii kalabadh ka mid ah kaydka ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeyn doonaan difaaca hawada, madaafiicda iyo qaybaha caafimaadka

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Israa’iil ay ka digtay inay suurta gal tahay inay fuliso howlgal dhulka ah, iyada oo taangiyo iyo ciidan la geeyay xadka ay la wadaagaan Qaza

Dhanka kale, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo dheeraad ah ka fuliyay Qaza, iyagoo bartilmaameedsaday waxa ay militariga ku sheegeen bangiyada iyo dhismayaasha sirdoonka

Kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa gantaalo hor leh ku riday dhanka Israa’iil , afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in ay muujiyeen “qayb yar oo kaliya” oo ka mid ah awoodahooda.

Duulimaadyada soo gala ayaa la hakiyay garoonka diyaaradaha Israel ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv waxaana loo weeciyay garoonka diyaaradaha Ramon ee koonfurta. Shirkadaha diyaaradaha qaarkood ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israel

Sarkaal Israa’iil ah ayaa sheegay in howlihii garoonka Ramon ay si kooban u hakadeen ka dib markii gantaal ku soo dhacay aagga u dhaw, laakiin uu hadda u shaqeynayo sidii caadiga ahayd, sida uu ku warramay wargeyska Haaretz.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaalyahanada Xamaas ay bilaabeen inay “drones ismiidaamin ah” ay ku soo tuuraan Israel

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this