Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay duqaymaha Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaaraysay duqaymaha ciidamada Israa’iil ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed iyo magaalada Quddus, gaar ahaanna masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cismaan oo khudbad ka jeediyay shir deg deg ah oo Golaha Jaamacadda Carabtu ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa cambaarayn xooggan u jeediyay weerarada Israa’iil ka wado dhulka Falastiiniyiinta.

“Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayuu yiri Wasiir Balal.

Sidoo kale, wuxu Caalamka ugu baaqay, in ay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil ku hayso xadgudubyada joogtada ah iyo duqaymaha xiriirka ah.

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israil dhibta ku hayso.” Ayuu sii raaciyay.

Wasiir Balal Cusmaan, ayaa sidoo kale Israa’iil ugu baaqay, in ay joojiso dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka Falastiin.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay duqaymaha Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this