Sign in to follow this  
IL CAPO

SHEEKO AF-SOOMAALI AH OO RUN AH.

Recommended Posts

IL CAPO   

..................PART ONE........................

Sheekadaan waxee ka dhacday Mogadishu waana qiso dhab ah oo aad umurugo badan.

 

Wuxuu gacmaha ku sitaa qori Ak ah oo isaga ka culus kaas oo afkiisa yuubani ka soo horreeyo. In uu daroogaysan yahay, in uu waalan yahay iyo in uu gaajaysan yahay intaba waa la moodi karaa. Nin da' dhexaad ah oo keli lugaynaya ayuu dhankiisa qorigii ula dalanbaabiyey. Labadooda cid kale uma dhowa. Waxaa u dhow daaro burburay iyo waddooyin haawanaya oo mugdi iyo dhaxan ah. Waa magaalo u eg meel qunbulad durriye ku dhacay.

 

– Dhig lacagta, haddii kale wallaahi in aanan soddonka xabbadood mid kaaga reebayn!

 

Ninka la weeraray ma hubaysna haddana isma dhiibin mana cararin. Inta uu soo jeestay ayuu tallaabooyin digtoon dib u qaaday. Mintidnimada iyo yasidda dhimashada isaga iyo ka weerarka ahi waa iskaga mid waxaase la dheer yahay qoriga cabbaysan.

 

– Dhig lacagta, haddii kale adiga oo mayd ah ayaad dhigaysaa!

 

Maya, nin wax dhigaya uma ega. Tallaabooyinkii digtoonaa ayuu dib u sii wadaa. In uu mugdiga ku ordo ayuu malaha ku talo jiraa, yaase isugu simaya. Saddex xabbadood oo baas ah ayaa laabta ka daldalooliyey, naftuna waxay ka dhacday isla markii uu dhulka ku dhacay, isla markaas ayey gacan dhuubani lacagtii jeebkiisa kala baxday.

 

Ninkan maydka ahi markii uu salaadda maqrib ee uu masjidka ku tukaday ka baxay ayaa hoos loogu sheegay in xawaaladda loogu hayo lacag debedda uga timid. Hadalkaa waxaa maqlayey Oogle oo ah afar iyo labaatan jir aad caato u ah oo aan afar caanomaal oomato dhadhamin. Wax uu qabto iyo meel uu nolol ka raadiyo markii uu waayey ayuu masjidka iska galay ee tukashadu niyad kama aha.

 

Ninka lacagta loo sheegay, ka sheegay, meesha lagu sheegay iyo guriga la geynayo intaba wuu yaqaan. Intaba isaga waxaa uga dan ah in uu caawa helo wax uu cuno. Wax aan cunto ahayn kama fekeri karo. Dad baa lacag haysta, dad baa dheregsan, dad baa faraxsan, dad baa…annagga yaa cadaabta nagu xukumay? Nolosha miyaa nalaga xigaa? Annaga oo gaajo isla taagi weynay kuwa safka salaadda ku daaco dhabanaya miyaanu bani aadam wada nahay? Sidaas ayuu isula hadlay iskuna gar siiyey markii uu goostay in uu wax dhaco.

 

Ninkii lacagta loogu yeedhay markii uu xagga xafiiska xawaaladda u dhaqaaqay ayuu Oogle isaguna u cararay meel uu qori ku ogaa. Wuu yaqaan waddada uu ninka lacagta doontay gurigiisa u maro. Meel dunsan oo bisado iyo xasharaad badan ayuu u sii galay. Intii uu sugayey wuxuu ka sii fekarayey cuntada uu caawa cuni doono. Wuxuu cuni doonaa raashinka baarka yaal oo dhan, haddii uu deeqi waayana wuxuu geli doonaa baar kale, ilaa uu dhergo.

 

Wuxuu kale oo cuni doonaa qaad badan, jowaan dhan. Baqdinta ugu weyn ee uu qabaa waa lacagtaas oo tagsi lala raaco. Ma yaqaan waxa uu samayn doono haddii ay sidaas noqoto. Haddii uu guriga ku weeraro waa halis aad u weyn. Laakiin waaba kan hortiisa laafyoonaya. Odaygu weligii lacag intaas la’eg ma helin. Mid uu adeer u yahay oo Ingiriiska jira ayuu muddo dheer ka baryayey in uu u soo diro wax uu maatada dagaalka sokeeye ku caydhowday nolol ugu abuuro. Wax badan buu kaasi ka dhego adaygay, maanta ayuuse intan ka helay. Laba kun oo doollar waxay u tahay wax weyn.

 

Ninkii dhaca helay cashee qaad badanna ilaa waabberigii cun. Habeenkii iyo maalintii xigayna sida libaax dhergay ayuu hurday. Maalintii labaad wuxuu baabuur u raacay Itoobbiya. Waa ummad iswada dishay, kala qaxday oo la isuma galo. Ninka uu dilka u geystayna la xaafad iyo la qolo midna ma aha. Sidaa darteed dhagarta intaas la’eg qolo hebla mooyee qof hebel looma eedayn. Cidiba arrinta hebel ugama fekerin umana raadin. Cidiba shakhsi ahaan uma ogaan.

 

*

Ooridii laga geeriyooday markii ay murugadii saydgeeda mugdiga la dhigay ka soo kacday waxay hooyo iyo aabbe u noqotay toddoba carruur ah afar iyo toban jirku ugu weyn yahay kuwaas oo aan iyada mooyee cid kale wax ka sugayn. Neef ay qasho oo cadihiisa sii iibiso, kiintaal raashin ah oo ay amaahato dabadeed sii miisto, caano ay reer miyiga kala wareegto oo sii koombayso, qof xigto ah oo ay faraqa ku dhegto, habeen ay qadoodi ku seexiso iyo habeen ay afka wax u geliso, laba sano ayey toddobadii ilmood iyo nafteedaba meel bakhti iyo nolol u dhexaysay ku haysay. Dabadeed waxaa furmay faraj khayr leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

.....................PART TWO...................

 

 

Qofku si kasta oo uu Ilaahay ugu kalsoon yahay wuxuu filaa risiqu in uu u soo maro gacan kale, sida shaqo ama deeq. Laakiin iyada iyo carruurteedu risiqa Ilaahay ayey toos uga heleen, ama sidaas ayey moodeen. Waxay u arkayeen wax cirka uga soo daatay. Maalin iyada oo suuqa sonkor laga iibsan waayey hor fadhida ayuu nin wadaad ahi isa soo dul taagay una sheegay in laga doonayo xafiiska xawaaladda lacagaha. Qof qurbaha loo jiro oo keliya ayaa halkaa looga yeedhaa, qurbahana waxtar wax aan ahayna lagama fisho.

 

Sonkortii inta ay guriga u xambaartay oo kii carruurta u weynaa kaxaysatay ayey halkii looga yeedhay afka saartay.

 

– Magacaaga oo saddexan?

– Aamina Geelle Guutaale.

– Qoladaada?

– Reer Guhaad Gaydhan.

– Cidda aad u dhaxday?

– Reer Guluf Colaad.

– Waxaan kuu haynaa lacag iyo wacad. Boqol iyo konton doollar oo aad bil walba halkan ka qaadatid iyo qofka ay ka timid oo aadan na weydiin annaguna aannaan kuu sheegi karin.

 

Haa, sidaas ayuu risiqu cirka uga yimid. Afar sano oo maalintaas ka bilawday iyada iyo carruurteedu bil walba waxay joogto u helayeen boqol iyo kontonkaas doollar. Noloshooda wax badan baa iska beddelay. Wixii ay xooggooda kula soo baxaan waa gooni, waxayse yeesheen il irmaan oo ay u irkadeen. Waa kuwaas dad u egaaday ee iyaga oo maanta qadeeyey caawana cashayn kara. Si walba waxay isugu dayday in ay ogaato meesha ay lacagtu ka imanayso, ehel iyo aqoonnin cid kasta oo qurbaha jirta oo ay si uun u tuhuntay ayey ka war doontay, waxayse ogaatay caawimadu in ay xagga Rabbi ka imanayso.

 

*

 

Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka nin doob ah oo soomaaliyeed ayaa goor galab ah ka soo baxay warshaddii uu ka shaqaynayey. Qolkii uu degganaa ayuu soofaha telefeeshinka hor yaal isku kala bixiyey si uu warka u daawado. Laakiin sabab uusan garanayn ayey mar keliya maskaxdiisa xasuuso ku soo hormadeen. Warkii uu daawanayey, meeshii uu joogay iyo xaaladdii uu ku jiray oo dhan ayuu ka dhex baxay. Dagaallo uu galay, dad uu laayey iyo kuwo hortiisa lagu laayey, guryo dumaya iyo qaar gubanaya, iyo wax la mid ah oo isdaba taxan ayuu xasuustay.

 

Waxaasi awlba maskaxdiisa kama ay bixi jirin, waase markii koowaad ee uu si dhammays tiran u wada arkay. Awel wuu ka nixi jiray oo isdiidsiin jiray, fekekiisana dhan kale u rari jiray, maantase si dhiirran ayuu u raacraacay. Gaar ahaan waddadii dheerayd ee Minnesota keentay ayuu dib u milicsaday. Dhul baas oo saxariir leh ayey la dhex martay. Ugu dambayn waxay ku dhammaatay habeen madow, oo qabow, oo gaajo iyo cabsi leh, iyo mayd hortiisa yaal.

 

Muddo dheer ayuu sidaas ahaa oo aad u fekerayey, oo mar kululaanayey marna qaboobayey, mar xanaaqayey marna naxayey. Dabadeed waxaa ku soo dhacday fikrad yaab leh oo baqdin iyo farxad wadajir ah gelisay. Cabbaar ayuu fikraddii maskaxda ku shiilay ilaa ay isu rogtay talo uu si buuxda ugu qancay. Wuu fududaaday oo culayskii dhabarka iyo wadnaha ka saarnaa laga qaaday. Sidii qof waashay ayuu kor u booday oo inta uu kabaha illaday debedda u cararay. Wuxuu jeebka ku qaatay boqol iyo konton doollar si uu talada uu goostay u fuliyo. Taladaas waxaa kale oo ku jiray in uu afar sano ka dib dhulkii ku noqdo.

 

Markii uu dalka yimid saddexdii cisho ee ugu horreeyey wuxuu ku dhammaystay qaraabo salaan. Ehelkii iyo asxaabtii uu lixda sano ka maqnaa dareenka soo dhoweynta ah ee ku qaabbilay waxaa ku lammaanaa sagooti iyo dardaaran aan lala fahmin ee la mooday waalli qurbaha ka soo raacday.

 

Maalintii afraad casarkii inta uu huteelkii uu degganaa ka toosay ayuu si fiican u xiirxiirtay oo hareed madow iyo timo gaaban la hadhay. Dabadeed inta uu qubaystay ayuu gashaday badlad nadiif ah oo aad u wada cad oo aan kafan la tolay laga garan. Xataa kabuhu way caddaayeen. Cadar uu jeclaa ayuu isku buufiyey, dabadeed laba iyo toban kun oo doollar maraykan ah oo baqshad ku jira jeebka hoose ee jaakadda gashaday debeddana u baxay.

 

Qorraxdu waa ay gaabatay oo kulaylkii ay maanta dunida ugu xoog sheegatay wuu ka dhammaaday, waxayna u sii tukubaysaa godkeeda. Waddada uu lugeeyey waa cammuud roobkii habeenhore hoosta ka sii qoyan yahay. Aqoon isaga la da ah ayuu waddadan u lahaa, wejiyo kala duwan oo foolxumo iyo quruxba leh ayuu ka soo arkay, goortii tan ugu xigtayna aad ayuu u xasuusan yahay. Dadka dhan walba u qulqulayaa kuwii uu aqoon jiray ee uu qaarkood necbaa qaarna jeclaa maanta ma aha.

 

Nacayb iyo jacayl toona uma hayo. Wuxuu dareemayaa in ay yihiin wada dulmiileyaal haddana wada dulman. Waxay ula muuqdaan dad ay taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qaddar iyo nasiib iska yimaadda oo iska taga, ee aanay u ahayn natiijo ka dhalata fekerkooda iyo falkooda. Waa dad dunida u arka meel la isku soo jujuubay, sidaa darteed ka firxanaya oo sida ugu dhakhso badan u dhimanaya. Darka wadka laga cabbo ayaa lagu wada qamaamayaa oo loo baratamayaa.

 

Dhul, dawlad iyo dan la wadaago kala sheegadkoodu iyo ku dagaallankoodu waa qaar ka mid ah marmarsiinyo badan oo lagu raadinayo dhimashada la caashaqay. Dad sidaas ahi xaq uma leh in ay noloshooda adag canaantaan mar haddii ay iyagu doorteen. Fikradahaasi maskaxdiisa way iskaga soo dhaceen ee uma jeedin danna kama lahayn. Naftiisa iyo cid kale toona taa ku canaanan maayo, waayo qudhiisa ayaa sita lambarka koowaad ee baratanka aakhiro loogu jiro.

 

Qorraxdii oo aan weli dhicin ayuu soo gaadhay aqal yar oo loox iyo jiingad ka samaysan. Waxaa hortiisa tusbax ku wardiyaysa haweenay konton jir ku qiyaasan. Wuu weji garanayaa, iyaduse maya. Way aragtaa ninka dheer ee ay ladnaanta iyo haybaddu naftiisa iyo hugiisaba ka muuqato ee iyada iyo albaabkeeda ku soo abbaaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

.......................PART3....................

 

 

Dharka oo aan awelba ka daadsanayn ayey sii urursatay. Wuu bariidiyey una sheegay in uu reerka u socdo. Iyada oo aan waxba weydiin ayey daaradda ciidda ah kursi dheer u soo dhigtay dabadeed shaahkaris u dhaqaaqday. Markii uu soo galay wuxuu arkayey laba gabdhood oo sidii laba deero inta ay indho cadcad eegmada ka buuxsadeen gudaha u yaacay. Waxaa soo waydaartay barbaar labaatanka madaxa kala baxay oo macawis iyo funaanad yar gashan kaas oo leh weji iyo indho aad u naxariis daran oo eg qof aan weligii farxin.

 

Inta uu ninkii martida ahaa afka iyo gacantaba ka salaamay ayuu kursi kale saddex tallaabo hortiisa soo dhigtay. Laga soo bilaabo habeenkii isaga oo afar iyo toban jir ah aabbihii la mawtiyey isaga ayaa reerka nin u ah oo waxii rag kala gala lagala xaajoodaa.

 

Meesha iyo munaasabadda ugu dambaysa ee aad qof ku kulantaan waxay kaa caawisaa garashadiisa xigta, kanise waa cir kasoodhac aan meel iyo munaasabad loo raaco lahayn. Si baa la isu indhogaranayaa, maskaxdana waxaa heehaabaysa xasuus dirqi ah oo illawsho ku dhex jirta. Sidaa darteed iswaraysigu waa googoos digtoon oo dhextaalku maqan yahay, intaasna eegmada ayaa la isku qodqodayaa oo xog aan ta afka uun ahayn la iskala baxayaa. Dumarku kulanka ka mid ma aha, erey walbase dhegta ayey ku hayaan. Shaacii madoobaa, shaahiina waa kan. Shaaha waxaa shaqo looga dhigay af hadal kale waayey ama ku dhici waayey. Hadalse waa run kama rayste.

 

– Haybi waa summad ee isu kay sheeg?

– Haybi waa summad ee waxaan ahay nin reer Jiilaal ah.

– Haye?

– Waxaan u socdaa arrin aan caadi ahayn aanse rajaynayo in aad ila fahmi doontaan.

– Haye?

– Waxaan ahay ninkii aabbihiin dilay!

– Iyaa?

– Waa taas danta aan idiinku imid; lix sano hortood ninkii aabbihiin dilay in uu aniga yahay. Idiinma sheegi karo sabab falkaas igu kelliftay aan ahayn in aan ka mid ahaa waalli guud, ay ii dheerayd gaajo aan malaha aabbahayba ku dili lahaa. Isla habeenkii aan dhagartaas geystay ayaa nabad iyo degganaan nafsadeed iigu dambaysay.

 

Labadii kun ee doollar waxay i geeyeen Maraykan oo aan markiiba degganaansho iyo shaqo ka helay, waxaanse galay cadaab aan ta aakhiro lagu sheego iiga duwanayn. Biilka waxaan idiinku soo diri jiray in aan damiirkayga bukooday ku daweeyo, kumaanse dawoobin. Ugu dambayn taladan ayaan ka fursan waayey. Geeri iyo nolol ta aad doontaan iigu taliya oo waa i kan. Laba iyo tobankaas kun ee doollarna agoonta wax ugu qabta.

 

Aamuska argagaxa leh ee golaha daboolay neefsiga sanka waa la wada maqlayaa. Dadka qoyska mid walba waxaa gaar u asiibay fajac iyo afkalaqaad. Qof waliba goonidiisa ayuu mooday in uu riyoonayo. Gabdhuhu huluushii ay xishoodka kula dhuuteen ka soo baxe, islaantu sagaal jirka reerka u yar ayey laabta ku qabsatay si ay u cuskato, ninkii loo warramayeyna kii warramayey ayuu ku gubayaa indho ay ka soo baxayaan inta dareen xun uu qof bani aadam ahi qabi karo.

 

Dhagarqabuhu markii uu hadalka dhammeeyey lacagtiina miiska shaaha dul dhigay waa kaa sidii wax aan noolayn kursiga iska dul saaran oo dhawaaq iyo dhaqaaq laguma oga. Indhaha wuu kala hayaa haddana waxay eegayaan waxba. Wuxuu magan ama lahayste u yahay qaddarka uu isu dhiibay.

 

Goor dambe ayuu ninkii martida loo ahaa kacay oo qolkiisa galay, wuxuuna la soo noqday AK dabalaab ah. Intii uu la soo socday wuu cabbeeyey waxaana ka soo baxay dhawaaq argagax leh oo nafta u daran. Markaas ayey reerka inta kale gudaha u yaaceen oo dhegaha faraha wada gashadeen. Kursigii uu ka kacay dhabarkiisa ayuu isa soo taagay, wuxuuna qorigii cabbaysnaa si miiggan madaxa ugaga liishaamay ninkii kursiga yaxoobay oo aan far dhaqaajin.

 

Far ma dhaqaajin ee sidii uu gam’ay ayuu madaxa iyo qoorta hoos u laallaadiyey, indhahana wuxuu ku beegay labadiisa kabood ee cadcad. Haddii uu aragga kor u yar qaadi lahaa wuxuu arki lahaa daloolka madow ee dhuunta qoriga oo u eg waddada aakhiro loo maro ama wadku soo maro. Aad ayuu xaaladdan naftiisa ugu soo diyaariyey, tababar dheer ayuuna u soo qaatay, sidaa darteed daqiiqaddan waxba kama uu fekerayn.

 

Waxaa saarnaa uun culays buur ka daran. Ma baqdin baa? Wuxuu sugayaa oo keliya in ay xabbadi kursiga dhanka ay doonto uga tuurto. Haddii ay naftu degdeg uga bixi waydana ka toogtay xoolo ma ah ee mid kale ayuu ku khaarajin. Khalaas, waa intaas uun. Markaa ka dib waxa uu la kulmi doono ama la kulmi doonin qayrkii ayuu la qabaa. Laakiin xabbadda baas maxay soo raagtay! Mise isaga ayaa raagsaday? Ma qiyaastii waqti ayaa ka luntay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

...................PART 4.........................

 

Halkii uu xabbadda ka sugayey waxaa kaga yimid cod ka soo baxay ninkii qoriga la dul taagnaa oo liishaanka dejiyey.

 

– Nolol ku beddelo laba shardi: in aadan arrintaa weligaa qof kale la soo qaadin, iyo in aadan meel aan joogo iyo magaalo aan ku nool ahay cag soo dhigin?

 

Qunya ayuu madaxa kor u qaaday oo ninkii la hadlayey wejigiisa cabbaar si miskiinnimo ah haddana yaabban u eegay.

 

– Ma ku noolaanaysaa labadaa shardi? ayuu kii hubaysnaa ku qayliyey isaga oo mar kale madaxa ka shiishaya.

– Haa, waa wacad.

– Ka bax albaabka, dibna yaanan kuu arkin.

 

Sidii askari la amray ayuu qunyar u jeestay haddana dhaqaaqay. Intii uusan irridka gaadhin ayaa haddana loo dhawaaqay:

 

– Soo noqo oo kaalay qaado lacagtaada!

 

Wuu istaagay oo sidii mayd gacan kale lagu maamulayo ama qof qallal qaba qunyar u soo jeestay.

 

– Intii aad lacagtaa igu khasbi lahayd i dil, ayuu yidhi oo yar hakaday dabadeed isaga oo aan hadal sugin dhaqaaqay.

 

Markii uu soo baxay wuxuu qabay dareen ah in uu soo dhintay oo aakhiro yimid. Wax waliba sidii hore waa ay ka duwanaayeen. Neecawda sambabbada gelaysaa waa khafiif nadiif ah oo macaan, dhawaaqyadu waa sidii muusig aan hore loo maqal, iftiinka nalalku waa midabyo cusub, dadkuna waa noole kii hore qiimo dhaama. Ma jiraan wax sidii hore ahi. Xataa qudhiisu wuxuu isla ahaa qof dunida ku cusub. Makhaayad ayuu yar fadhiistay oo shaah ka dalbaday, dabadeed aad u fekaray.

 

 

P.S I wish i could understand the true meaning of the words written here but nevertheless it was a moving story and i am sure some of you have heard about it.

Peace.

 

 

goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

Originally posted by iskey_baro:

and u expect us to read all that? :confused:

why do i get the feeling that you've never heard the old Yiddish saying of...Blessed is he who expects nothing for he shall never be disappointed.

 

i don't expect nothing from you or anybody in here

but remember one thing, when i need your opinion i will come and rattle your cage but before that do the human race a favour and "FUNGA BAKULI YAKO".

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

Mombasa_QUEEN:

 

hali vibi dada wangu,

Salaala Muhammad, kisomali hi ni ngumu sana wallaahi,labda ntauliza baba wangu aku translate ki ingaleza..LooooooooL.

Peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Funga Baguli yako to you too mate......and u r right I never heard of that yiddish saying and so what

 

ONCE AGAIN THAT IS TOO MUCH TO READ

 

waxaan sugayaa dad kaa aqrista waxaan dheer aad isku daalisay.

 

Btw anigabo luqad kale waan kasaa laakiin aniga waxaan kaaga dheereeyaa fahammitaanka eh luqad uu qufka garaneynin iney tahay rude

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

Fiiri Macalinka,

Keep talking hopefully someday in the near future you will finally be able to say something intelligent then we will all be proud of you and buy you cookies and candies and toys to play with, how about that? ;)

 

see your Uncle isn't as rude as you first thought.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this