Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Warbixin:Dhoofinta Jaadka oo la sheegay in lagu soo dhex qariyo Hub,Daroogo & Agab kale oo sharci-darro ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin:Dhoofinta Jaadka oo la sheegay in lagu soo dhex qariyo Hub,Daroogo & Agab kale oo sharci-darro ah?

Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah
Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah

Warbixin uu soo saaray Macadka Daraasaadka Amniga ayaa lagu sheegay in sharciyada kala duwan ee Jaadka ay u adeegsadaan dalalka Bariga Afrika ay horseedeen sare u kac ku yimid ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada.

Sida lagu qeexay warbixinta, bishii March ee sanadkii 2020 ayay dowladda Soomaaliya joojisay duullimaadyada tagaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho sababo la xiriira cudurka Covid-19 ee dillaacay. Hase yeeshee, ugu yaraan labo diyaaradood oo la filayay inay keenyaan gargaarka bani’aadannimo iyo dawooyinka cudurka safmarka ah loogu talogalay ayaa la qabtay iyagoo si qarsoodi ah u dusinaya dhowr tan oo Jaad ah.

Duullimaadyadan waxay ka weecdeen garoonka Muqdisho waxayna isticmaaleen garoomada yar yar ee Buuhoodle iyo Jowhar, kuwaasoo baaritaannada laga sameeyo ay khafiif yihiin.

Bayaanka kasoo baxay macadka cilmi baarista amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in muddadaas gudaheeda uu dib u furmay qaabkii hore ee loo kala gudbin jiray Jaadka, sidoo kalena lagu lifaaqo badeecooyin kale oo sharci darro ah sida walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxaha loogu yeero argagixisada, iyo sidoo kale gacansi sharci ah oo uu ka mid yahay kalluunka.

Marinnada cusub ee ay adeegsanayaan dadka ganacsigaas kala gudbiya ayuu macadku ku tilmaamay dhinaca badda, gaar ahaan Lamu oo Kenya ka tirsan iyo Raas Kambooni oo Soomaaliya ka tirsan.

Inta badan dad dambiileyaal ah oo howlo sharci darro ah faraha kula jira ayaa safriya badeecooyinkaas oo qaarkood ay mamnuuc ka yihiin gobolka oo dhan.

Qaadka ayaa ka baxa meelo ka tirsan Kenya
Qaadka ayaa ka baxa meelo ka tirsan Kenya

Khabiir dhinaca la dagaallanka argagixisada ah oo magaciisa la qariyay ayaa laga soo xigtay in mukhalasiinta dadka kala dhoofiya laftoodu ay qeyb ka yihiin socodsiinta ganacsiga Jaadka ee la marinayo waddada dhinaca badda ah. $10 ayuu sheegay in lagu qaado halkii kiilo ee Jaad ah, taasoo toban jibaar ka badan lacagtii horay loo faa’iidi jiray ka hor inta aan la joojinin dhoofinta sharciga ah ee Qaadka.

Jaadka oo ah jeed ka baxa waddamada bariga Afrika qaarkood ayaa laga oggol yahay Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti, waxa uuna ka mid yahay ganacsiga maalinlaha ah ee dhaqaalahana laga sameeyo. Dalalka dhoofiya oo ay ka mid yahay Kenya ayaa dakhli badan kasoo xareeya, kaasoo gaaraya ilaa $400,000 maalintiiba, waddanka ugu weyn ee Jaadka Kenya la geeyana wuxuu ahaa Soomaaliya.

“Dhamaadkii bishii January, xilli uu sii kordhayay dhaqdhaqaaqa qarsoodiga loogu gudbiyo Jaadka, Soomaaliya waxay mar kale oggolaatay in Jaadka laga soo dhoofiyo Kenya iyadoo shatiyo cusub loo sameysanayo shuruuc hor lehna loo marayo. Wali waa lama gaarin waqti la ogaan karo in oggolaanshahaas uu saameyn ku yeesho kala gudbinta badeecooyinka sharci darrada ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta macadka cilmi baarista amniga ee Bariga Afrika.

 

.

Caalami ahaan, Jaadka waxaa lagu tilmaamay inuu yahay maandooriye ku biiraya badeecooyinka la mamnuucay. Waxaa jira badeecooyin aan hoos imaanin saddexda qaraar ee caalamka uu ku heshiiyay si loo xakameeyo maandooriyeyaasha, kuwaasoo soo kala baxay 1961, 1971 iyo 1988.

Sidaas darteed dalalka ayaa ku kala aragti duwan habka loo wajahayo Jaadka, iyadoo qaarkood ay mamnuuceen kuwo kalena iska fasaxeen.

Rwanda oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayuu mamnuuc ka yahay jaadka, qof walba oo lagu arkana wuxuu wajahayaa xarig 7 sano ilaa xabsi daa’in ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $30,000 oo doolar.

Muddo qarniyo ah ayuu geedkan ka baxayay Kenya, waxaana jira dad badan oo la qabsaday isticmaaliika, ayna ku adag tahay inay joojiyaan.

Hase yeeshee, Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qofka muddo dheer cunayay qaadka ee joojiya ay yartahay saameynta caafimaad ee uu ku yeesho.

Tanzania, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Soomaaliya ayaa ah waddamada ay dadka ugu badan ka isticmaalaan Jaadka, halka ganacsato badanna ay nolol maalmeedkooda ugu tiirsan yihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this