Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imanaya Dastuurka Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdi-Xaashi-Cabdullahi.jpg?resize=1000%

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay hay’adaha dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imanaya Dastuurka Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyay hab-raaca dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya awoodda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay.

“Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” ayuu qoraalka ku yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni oo uu sheegay in uu horey uga digay.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imanaya Dastuurka Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this