Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xasaasiya:Dad Masiixiyin ah oo Soomay Bisha Barakaysan ee Ramadaan+Sababta ku keliftay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad Masiixiyin ah oo Soomay Bisha Barakaysan ee Ramadaan+Sababta ku keliftay

Nadyne Parr iyo saaxibteed Soraya Deen,

Rehan Jayawickreme oo ah siyaasi da’yar oo matala xisbiga mucaaradka ee ugu caansan Sri Lanka, ayaa 13-kii April ku dhawaaqay arrin la yaab leh.

“Waxaan aaminsanahay diinta ‘Budhist’ waxaanna isku dayaa in aan ayido falsafada diinteyda ay i fareyso,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan si xiiso leh u rajaynayaa walaalahayga Muslimiinta ah in aan la soomo bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxayna ii noqoneysaa marki iigu horreysaye iigu hambalyeeya”.

Ninkan ayaa ah guddoomiyaha golaha magaalada Koonfurta Sri Lanka ku taalla ee Weligama. Wuxuu sheegay in tan iyo bilowgii bisha Soon in uu iska gooyay cunnada iyo cabitaanka.

Sannadkan, Muslimiinta Sri Lanka ee laga tirada badan yahay waxay billaabeen inay soonkooda sannadlaha ah la soomaan bulshooyinka Sinhala iyo Tamil.

Balse shacabka Sri Lanka oo diimo kala duwan aaminsan, ayaa aad uga argagaxay weerar ay mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen kaniisad ku taalla dalkaas, laba sana ka hor, ayna ku dileen 270 qof.

Rehaan Jayawickreme (qofka labaad ee bidixda jira) oo saaxiibadii muslimiinta ah la afuraya

Siyaasigan aaminsan diinta Budhist wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay ee ah inuu soomo bisha barakeysan ee Ramadaan, uu uga gol leeyahay inuu wax ka bedelo aragtida khaldan ee muslimiinta laga qaatay weerarka kaniisadda loo geystay ka dib.

Rehaan Jayawickreme farriinta uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay waxaa ka falceliyay dad aad u badan iyaga oo go’aanka siyaasiga soo dhaweeyey. Dhankiisa wuxuu sheegay in qof aan Muslim ahayn uu soomo bisha Ramadan in uusan isaga uga horreynin oo ay dad badan uga horreeyeen.

Marianne David, oo ah wariye ka howlgasha caasimadda Sri Lanka ee Colombo, waxay iyaduna ka dhawaajisay in ay sooman tahay, iyada oo aan muslim ahayn in mudda ah inay Ramadanka soo soomeysay.

“Waxaan aaminsanahay madhabta Katolic, balse bisha Ramadan waan soomaa. Soonkana waxaad ku yeelaneysaa nadaafad, wacyi wanaagsan, damqasho iyo anshax. Nasiib wacan!” ayey tiri.

 

Anuradha K Herath, oo ah agaasimaha guud ee waaxda arrimaha dibadda ee xafiiska Raa’isal wasaaraha, waxay sheegtay inay iyaduna bisha Ramadhaan Soonto.

“Xilliga aan dhiganayey jaamacadda Moratuwa, waa soomi jiray,” ayey ku qortay barteeda Twitter-ka.

“Saaxiibtey Sifaan ayaa xilliga suxuurta i toosiso si aan wax u cuno, sidoo kale xilliyada fiidki ee aan casharka jaamacadda ku jiranan waxay ila wadaagi jirtay cuntooyin aan ku afurno. Waxay ila tahay waa waaya aragnimo aad u wanaagsan.”

Ka hortagga cunsuriyadda

“Waxay ila tahay, waxaan u soomayo inay tahay sidii aan u muujin lahaa in aan ka soo horjeedo cunsuriyadda qofka diintiisa looga geysto. Balse taa kama dhigno in aan diinta Islaamka qaatay, ficilkaasina waa mid aan cunsuriyadda uga soo horjeedo”, ayuu yiri Rehan Jayawickreme.

Wuxuuna BBC u sheegay in Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Sri Lanka, la cunsuriyeeyo wixi ka dambeeyey weerarki lagu qaaday kaniisad ay ku sugnaayeen dad u dabaaldegayay ciidda Easter.

Ku dhawaad, boqolkiiba 75% shacabaka ku nool dalka Sri Lanka ayaa haystaan diinta Budhist. Halka tirada soo hartay ay aaminsan yihiin diimaha Islaam, Hindu iyo Catolic.

Marianne David
Wariye Marianne David, oo aaminsan diinta Catholic, waxay ramadhaanka soo soomeysay 15 sano

‘Quudi dadka kale’

Wariye Marianne David, oo aaminsan diinta Catolic, waxay Ramadanka soo soomeysay 15 sano. Waxayna sheegtay in sababta ay u soo meysay ay ahayd hanashada nafteeda iyo inay ka fakarto waxyaabaha iyada muhiimka u ah.

“Soonka waxaad kaga maarmeysaa cuntada faraha badan ee aad xisaab la’aanta u cuneysay iyo wakhtigi kaaga lumayey. Maalinta oo dhan oo aad sooman tahayna wuxuu ku barayaa anshax iyo akhlaaq wanaagsan in aad yeelato,” ayey tiri.

Waxay sheegtay inay aaminsan tahay inay soonka sidi la rabay ugu hoggaansanto, caafimaad badanna ay ka heshay.

“Maalinti in aad soonto wax badan in aad u hurto uma baahnid, dadka soomanna hab noolaleedka ay doonaan ha ku jiraane ama shaqada ay doonaanba ha qabtaane, waxbadan ayey ka faa’idaystaan,” ayey tiri.

Raashiin ay Marianne David afur u diyaarsatay

Midnimada

Dunida kale haddii aan eegnana, Badyne Parr oo ah haweeney aan Muslim ahayn oo ku nool dalka Mareykanka waxay soontaa bisha Ramadan.

Haweeneydan oo haysata diinta masiixiyadda, aad ayeyna ugu jajaban tahay inay bisha Ramadan soonto, waxaana ku dhiirragelisay haweeney Muslimad ah oo ay saaxibbo yihiin.

“Waa ficil aan midnimo ugu muujineyno saaxibbadeenna muslimka ah ee aan jecel nahay, waana qayb ka mid ah waxyaabaha diinteyda ay i fareyso, mar haddaan Masiixi ahay, waa sababta aan u doortay in aan bisha Ramadan soomo.”

“Wakhti dheer ayaa ka soo wareegtay, ku dhawaad toddoba sano ayaan soomaa, waxaanna raacaa shuruucda soonka u yaalla, waan suxuurtaa, xilliga afurkana waan afuraa,” ayey tiri.

Nadyne Parr
Nadnye Parr oo ah haweeney aan muslim ahay waxay Ramadhaanka soomeysay 7 sano

Wakhtiga wadajirka

Sri Lanka haddii aan dib ugu laabanno, Marianne David waxay hoosta ka xarriiqday in “Ramadanka uusan ahayn oo keli ah mid anshax wanaagsan laga barto, balse wuxuu wataa wakhti cajiib oo ah aad kula kulanto shaqsiyadda aad jeceshahay”.

Nadyne waxay sheegtay soonka inuu qayb ka yahay diinta ay aaminsan tahay

Ma sahlana

Laakiin Rehan Jayawickreme, iskudayga cusub ee uu ku soomayay uma ahayn mid sahlan.

“Waxaan toosaa 4-ta subaxnimo, xilliga suxuurta, waxaanna ku suxuurtaa timir, iyo caano-garoor. Illaa laga gaaraya 6:30 galabnima wax ma cuno,” ayuu yiri mar uu BBC-da la hadlay.

Muslimiita Sri Lanka oo masaajid ku jira

Wuxuu sheegay in khibrada cusub ay ka dhigtay inuu dareemo xaalad cusub, dhamaadka maalinta, laakiin sidoo kale wuxuu lahaa shaki ku saabsan inuu soomi karo bisha oo dhan.

“Waan sii wadi doonaa illaa inta aan kari karo,” ayuu yidhi siyaasiga Buddhist-ga ah. Laakiin si naxariis leh ayuu ku yiri, “Way adag tahay in aanad biyo cabin maalintii oo dhan”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this