Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Jabuuti oo si adag uga jawaabtay Eeddo Xukumada Farmaajo ku saydhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Jabuuti oo ka jawaabtay Eeddo Xukumada Farmaajo ku saydhay

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon,
Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku lahed bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka.

Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay ku mowqif tahya Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahya eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.”

 

Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.”

Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

Dowladdu waxa ay waqtigaas sheegtay inay hayso xog xasaasi ah oo xaqiijinaysa in labadaas dal ay soo jeedinayaan qodobo ay doonayaan in lagu daro bayaanka uu guddigaas soo saari rabay maalintaas.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo ka hadlayay taleefishinka qaranka ee dalka, ayaa waxa uu ka digay waxkasta oo taabanaya gobonnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mowqifka Jabuuti

Dhanka kale, dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku mowqif tahay bayaankii uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

“Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mowqifka ay qaateen waxa uu ahaa in laga baaqsado waxkasta oo carqaladaynaya xasiloonnida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Bahdoon.

Wasiirka warfaafhinta ee Jabuuti ayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya waxa ay ugu baaqday in miiska wadahalka ay dib ugu laabtaan.

“Jabuuti waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka waantoobaan hadallada rabshadaha dhicin kara, oo ay la yimaadaan is-aqbalaad iyo dulqaad, isla markaana ay ku soo bandhigaan aragtidooda iyo waxyaabaha ay kala tabanayaan albaabka u furan oo ah dib u heshiisiin.”

Mowqifka Soomaaliya

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso ergayga la filayo in Midowga Afrika u soo magacaabayo dhexdhaxaadinta dhinacyada Soomaaliya, balse waxay si adag u diiday qodobo kamid ahaa bayaankii Midowga Afrika ka soo saaray xaaladda cakiran ee khilaafka doorashada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen in ay diidan yihiin muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dawladda Federaalka.

Markii uu bayaankaasi soo baxay kaddibna, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo Sabtidii shir jar’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu jirin ururo cambaareyn kara go’aan baarlamaan oo uu qaatay dal madax bannaan.

“Ma jiro urur caalami ah ama urur goballeed oo sharciyan cambaareyn kara go’aan baarlmaan dal madax bannaan arrintaas waxaan u sheegaynaa in aaney ahayn sharci dowladda federaalka Soomaaliyana ma soo dhaweynayso” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Qoraalkii uu Midowga Afrika ka soo arrimaha Soomaaliya

Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii Golaha Shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraysa heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka.

AU

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka.

Ergayga ayay golahu waxay ku booriyeen in muudo 4 toddobaad gudahood ah uu ugu soo gudbiyo guulaha laga gaaro qabashada doorashooyiinka Soomaaliya.

“Sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah ugu magacaabo una diro Soomaaliya, ergay gaar ah, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, si loo gaaro heshiis wadar-oggol ah, iyo in muddo 4 toodobaad ah uu warbixin ugu soo gudbiyo golaha”ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

 

Golaha nabaddda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa sidoo kale ka codsaday in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomalaiya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhanka kale golahu, waxay ka codsadeen, inuu si deg deg ah u isugu yeero shir loo qabanayo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si looga baaraandago saameynta amni ee ay keeni karto ismari-waaga siyaasadeed loogana tashado waddooyinka u furan ee lagu xalin karo ama hoos loogu dhigi karo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this