Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo ka horyimid muddo hordhinta dowladda federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay maanta ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu cambaareeyay go’aankii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku kordhiyeen waqtiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Midowga Afrika wuxuu sheegay in heshiiskii Sebtember 2020 uu weli yahay aasaaska iyo waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo in Soomaaliya laga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo daah-furn laguna kalsoon yahay.

Midowga Afrika wuxuu ka codsaday ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Midowga Afrika wuxuu uga digay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya in ay ku kacaan ficilo xiisadda uga sii dari kara.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo ka horyimid muddo hordhinta dowladda federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this