Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtar Caan ka ah magaalada Muqdisho,Bilaashna Dadka ku daaweyen jiray oo la khaarajiyey Goordhaweyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhtar Caan ka ah magaalada Muqdisho oo la khaarajiyey

Dr. Buurane
Dr. BuuraneKooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay goordhow xaafadda Albaraka ku toogteen Dr. Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ee Soomaaliyeed ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.Wararka ayaa sheegaya in dhaqtarka la dilay, isaga oo horfadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaalla isla xarunta uu ka howl-galo ee Albaraka.Dhaqtar Buurane oo ku taqasusay xanuunada maqaarka ayaa 30 sano ka badan kusoo jiray howlaha caafimaadka, wuxuuna mar soo noqday agaasimaha isbitaalka Madiina.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen toogashada, kadib waxaana halkaasi tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay dhaqtarka oo si weyn caan uga ahaa gayiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca koonfurta ee dalka.

AUN Dr Buurane ayaa si bilaash ah ku daaweyn jiray dadka danyarta ah wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirtii aan dalka ka bixin intiii ay socdeen dagaalladii sokeeye.

Dilkan qorsheysan ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this