Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca siyaasadda degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaarigiisa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya.

Marxuum Cabdi Maxamed Maxamuud, oo ku magac dheera Fidicow, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax lagula beegsaday xaafadda Daaru-salaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka, sida ay sheegeen saraakiisha hay’adaha Amniga.

Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee degmada Dayniile.

PUNTLAND POST

The post Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this